Khilaaf in mudo ah u dhexeeyey Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo Dalladaha waxbarashada Gobolka Banaadir oo xal lagga gaaray.

 

(Muqdisho) Kulan qado sharafeed oo ay isugu yimaadeen Dalladaha waxbarashada Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu soo afjaray khilaaf mudda badan soo jiitamayey oo u dhexeeyey dalladaha iyo wasaaradda.

 

Gudoomiye ku xigeenka gudigga culumadda Soomaaliyeed Sh; Baaruud Gurxan oo halkaasi ka hadlay ayaa guudmaray dadaalkii ay u galeen xalinta khilaafkaasi, waxa uuna Shiikhu amaanay dabacsanaanta labada dhinacba ay muujiyeen, waxa uuna sheegay in ay ururada bulshadu xal raadintaas kala qaybqaateen, waxaa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka waxbarashada Mudane Shabeel oo sheegay in daladaha waxbarashadu ay kaalin muhiim ah buuxiyeen muddadii wadanku burburka ku jiray, qaar kamida masuuliyiintii ka socotay dalladaha waxbarashada ayaa ayaguna dhankooda qiray in qilaafkaasi la dhameeyey, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

 

Wasiirudawlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Muddane C/laahi Bille Nuur oo asna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kaalin muhiim ah ay dalladuhu buuxiyeen, waxa uuna yiri, “Haddii aysan kaalintaas buuxin daladuhu mudadii burburka dalku ku jiray waad garankartaan maanta tirada ay gaari lahayd ilmaha Soomaaliyeed ee waxbarasho la’aani ku dhici lahayd”

 

Wasiirka WasaaraddaWaxbarashada Hiddaha iyo dacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo  khadar Bashiir Cali oo gabagabadii halkaas ka hadashay ayaa bogaadisay shaqada dalladuhu qabteen waxa ayna tiri, “waan ognahay in aad hawl mihiim ah ummadda Soomaaliyeed u soo qabateen, ka wasaarad ahaan waxaan maanta laga bilaabo idiin balanqaadaynaa in aan wixii gacana iyo taageeraa oo aan idiin awoodno idinla garabtaaganahay, siyaasadda waxbarashada dalka hagideeda Dawlada Soomaaliya ayaa u xilsaaran sidaas ayaana ku waddashaqaynaynaa” kulankaas ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u qurxoon.

DSC02222 DSC02199 DSC02187 DSC02175 DSC02205 DSC02195 DSC02193 DSC02218 DSC02195 DSC02172 DSC02190 DSC02206 DSC02204