Shaqaalaha iyo madax ugu saraysa wasaarada oo kulamo qaatay.

vlcsnap-2015-12-29-10h29m59s529 vlcsnap-2015-12-29-10h33m44s179 vlcsnap-2015-12-29-10h34m24s590vlcsnap-2015-12-29-10h35m01s584 DSC01384 DSC01390 DSC01377 DSC01394 DSC01369

 

(Muqdisho) Kulan ay isugu yimaadeen 27-Disember 2015, shaqaalaha iyo madaxda ugu saraysa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayey ku gorfeeyeen habkii shaqada wasaarada loo dardar galinlahaa.

Kulankaan oo soconaayey ilaa sadex saac, ayaa shaaqalaha iyo wasiirku kaga wada hadleen qodobo ay kamid ahaayeen, dardargalinta shaqada, xoojinta qaybaha shaqadoodu badantahay ee wasaarada iyo dhisida iyo isku dhafida xubnaha shaqaalaha ah ee wasaarada, waxaana aad loo xoojiyey ilaa lix qaybood oo ay ka mid ahaayeen, qaybta Itixaanaadka, qaybta Ilaalinta iyo xog ururinta hantida wasaarada, qaybta diiwaangalinta daladaha waxbarashada, qaybta Manaahijta iyo qaybo kale.

Ujeedada iyo sababta ka danbaysa xoojinta qaybahaan ayaa wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare  Marwo Khadar Bashiir Cali waxa aya ku sheegtay in ay tahay in qaybahaanu yihiin qaybaha ugu shaqada badan wasaarada waxbarashada xilligaan, waxa ayna wasiirada ku celcelisay in ay madaxqaybeedyada wasaarada ka rabto maalinkasta oo Talaado ah warbxiin la xiriirta shaqada ay hayaan, waxa ayna wasiiradu intaas ku dartay in ay warbixinaydaas la wadaagi doonto Raysalwasaaraha shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiiradu yeeshaan Khamiis kasta.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Mudane Xaamud Cali Xasan iyo aggaasimaha guud ee wasaarada Pro: Maxamed C/qaadir oo ayaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhiirigaliyey  habka wasiiradu soo bandhigtay ee ah dardargalinta iyo xoojinta  qaybo ka mida wasaarada.

Waxa uuna kulankaasi ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.