Shir lagu ansixinayo Muqararka Dugsiyada H/dhexe iyo Sare oo soo xirmay.

 

 

(Muqdisho) Waxaa 16-Febarayo soo xirmay shirka ansixinta Muqararada Dugsiyada H/dhexe iyo dugsiga Sare, shirkaan oo ka socday Jaamacadda Umadda ee magaalada Muqdisho , waxaa soo qabanqaabiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Shirka oo socday sadex maalmood waxaa ka soo qayb galay, saraakiil dhanka waxbarashada ah ee maamulada Galmud, P/land, J/land, K/galbeed iyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, mudadii shirku socday waxa laga doodayey waxyaabaha loo dhigaayo ardayga soomaaliyeed iyo miradhalka ay yeelanayaan casharada ardugu qaadanaayo.

 

Markii uu kulankaasi dhamaaday waxaa halkaasi ka hadlay ka soo qaybgalayaashii ka kalayimid deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya, waxa ayna dhamaantood balanqaadeen in marka ay ku noqdaan halkii ay ka yimaadeen ay la wadaagi doonaan shacabkii ay matalayeen waxyaabihii ay halkaan kala kulmeen.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo shirka soo xiray ayaa qodbad uu halkaa ka jeediyey ku sheegay ahmiyada shaqadaan laqabtay ay leedahay, waxa uuna yiri,”Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idiinka mahdcelinayaa, ka sooqaybgalka iyo la wadaagida fikradaha aqoonta ku salaysan ee aad nagukordhiseen, waxaanu ka wadashaqaynaynaa innaka oo dhami aayaha iyo mustaqbalka dalkeena iyo ilmaheena, markii la helo ubad aaad looga dhisay dhinacyada aqoonta ayaa la helikaraa dal horuu emarsan, mida aynu dhamaanteen ku hawlanahayna waa taas.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in wasaaradu aysan hawsha intaas uga harayne ay gobolada dalka oo dhan tagi doonaan oo la wadaagi doonaan waxii talo iyo tusaale ahna ka qaadan doonaan.Shirkaan ayaa waxaa ka horeeyey shir dib loogu eegayo Manhajka Qaranka  Soomaaliyeed oo mararkala duwan ay wasaaradda Waxbarashadu soo qabanqaabisay.

DSC02143 DSC02243 DSC02148 DSC02241 DSC02266 DSC02268 DSC02146 DSC02163 DSC02243 DSC02159