Shir looga hadlaayey Qaabdhismeedka Manhajka Waxbarashada Soomaaliyeed oo soo gabgaboobay.

DSC00833DSC00832DSC00810vlcsnap-2015-12-02-00h21m28s833vlcsnap-2015-12-02-00h24m01s782vlcsnap-2015-12-02-00h22m14s405DSC00861vlcsnap-2015-12-02-00h22m45s646

Shir looga hadlaayey Qaabdhismeedka Manhajka Waxbarashada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel City Plaza ee Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka sooqaybgalay masuuliyiin ka socotay Maamul Gololeedyada dalka, xeeldheerayaal Soomaali ah oo aqoon durugsan u leh Waxbarashada, Culumo-awdiin magac ku leh bulshada dhexdeeda iyo qaybaha kala kaladuwan ee bulsha, ugu horayn waxaa shika ka hadashay Wasiirada Waxbarashada Wasaarada Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare Marwo Khadar Bashiir Cali, waxaana wasiiradu aad ugu dheeraatay xoojinta luuqada soomaaliga iyo ahmiyad siinteeda, wasiirada ayaa tiri “ardayga Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in aan maskxda laga gumaysan, waana in laxoogsaaro in ardayda soomaaliyeed luuqadooda wax ku bartaan” waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay raysalwasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte wasiirka Hawlaha guud Mudane Eng: Saalax, guud ahaan masuuliyiintaas waxa ay dhiiriyeen qaabdhismeedka manhajka in laga baaraandago lagana fiirsado sida uu noqonaayo, kasooqaybgalayaashii ka kala socday qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo maamulgoboleedyada iyo culimo-awdiinkii Soomaaliyeed ee halkaasi joogay ayaa si adag u wadaagay doodaha ku saabsan Qaabdhismeedka Manhajka Waxbarashada Soomaaliyeed , waxaana ka mid ahaa waxyaabihii la soo qaaday qoraalada sheekooyinkaa macnaha ay gudbinayaan in xataa laga fiirsado oo loo kuurgalo inta aan ardadda loo gudbin.

Wasiirada ayaa maalintii labaad soo bandhigtay cilmi-baarisyo iyo tusaalooyin muujinaya jahwareerka ay la kulmaan ardada afka qalaad waxkubarta, gabagabdii kulankaan ayaa waxaa soo xiray Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare C/llahi Bille Nuur waxa uuna qiray in tan iyo intii uu socday shirku guulo badan laga gaaray barnaamijkii shirkaan loo qabtay, waxaana uu wasiirku sheegay in ay shaqobadan harsantay, waxaana wasiirku sheegay in gudi laqabdoono isku soo habeeya doodihii iyo falanqayntii la sameeyey muddadii shirku socday.