Shirka dib u eegista Manhajka Qaranka Soomaaliya oo soo gabagaboobay.

vlcsnap-2016-02-10-06h42m48s230vlcsnap-2016-02-10-06h45m35s968vlcsnap-2016-02-10-06h47m55s418

DSC02003DSC02002DSC01993

(Muqdisho) Waxaa dhawaan la soo gababeyey shirka dib u eegista Manhajka Qaranka Soomaaliyeed, shirkaan oo ka dhacay Jaamacadda Umadda ee Magaalada Muqdisho, waxaa soo qabanqaabiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgalay, saraakiil dhanka waxbarashada ah ee maamulada Galmud, P/land, J/land, K/galbeed iyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

 

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Aggaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Pro Maxamed C/qaadir Nuur, waxana hadaladiisii ka mid ahaa, “Mudanayaal iyo Marwooyin shirka aan maanta isugunimid waa shir shaqo, waxaanu markale dib u eegis ku samaynaynaa Manhajkii Qaranka Soomaaliya, mudadda uu socdana waxaynu ka dooodi doonaa qaab dhismeedka manhajka qaranku uu yeelandoono, sidaasi darteed waxaa inoo yaala hawl baaxadwayn oo larabo in aan maalmo kooban ku qabano” markaas kadib ayuu aggaasimuhu ku soo shaweeyey wasiir k/xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xaamud Cali Xasan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, “intii dalku burburka ku jiray waxaa dalka lakeenay manhajyo tirobadan, mar hadii la doonayo in dalku is haysto oo uusan kala googo’in waa in hal manhaj oo kaliya dalka lagga wadadhigaa, maanta arinka aan isugunimina waa sidii taas lagu gaari lahaa” kadibna waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey, waiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cali waxa ayna halkaas ka soo jeedisay qudbad dhaqaajisay dareenka dadkii hakaasi joogay, waxa ayna tiri “maanta waxaan halkaan iskugu nimid in aynu falanqayno qoraalkaan, qoraalkaani waa qaabdhismeedkii mahajka Qaranka Soomaaliya waana dokomenti siyasi ah oo u yaala dawladadeena sidii ay u dajinlahayd waxa uuna ku salaysanyahay, qiyamkeena, wadaniyadeena, diinteena, waxbarashada wadankeena iyo heerka aan rabno in aan gaarno iyo ilmaha manhajkaan wax ku barta sida ama nooca uu noqonayo marka uu dhamaysto waxbarashada, iyo in uu noqdo mid la saan-qaadi kara ummadaha aduunka kale, arinka la rabo in aan maanta aan go’aanka ka gaarno waa kaas, waxaana idiin soo xulanay in aad tihiin dad ku haboon go’aan gaaridaas mustaqbalka wadankooda, dadkooda iyo dalkooda”.

 

Mudaddii shirkaasi socday waxaa la isla lafaguray arimo ay ka mid ahaayeen iswaafajinta sayniska iyo diinta, iyo habka ardaygu marka uu waxbarashada dhameeyo ku noqonlahaa qof wadani ah, xiritaankii iyo gabagabadii shirka waxaa hadalo qiimo leh ka soo jeediyey xildhibaano iyo xubno kale oo ka socda ururada bulshada, kuwaas oo dhamaantood bogaadiyey shaqada la qabtay maalmihii shirku socday, shirkaasina waxa uu ku soo dhamaaday jawi aad qurxoon.

DSC01995DSC01988DSC02047DSC02051DSC02058DSC02055