Wasiirada Waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in ay ku guulaysatay in ay soo celiso xiriirkii waxbarasho ee Masaarida.

vlcsnap-2015-11-26-11h59m32s690vlcsnap-2015-11-26-12h00m39s643vlcsnap-2015-11-26-12h01m02s357vlcsnap-2015-11-26-12h02m21s957vlcsnap-2015-11-26-12h02m55s531vlcsnap-2015-11-26-12h03m53s683

 

(Muqdisho) Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cal,i ayaa sheegtay in wasaaradu ku guulaysatay soocelinta xiriikii waxbarashoee ka dhexeeyey, Soomaliya iyo Masar.

Wasiirada oo casho sharaf u samaysay wafti ka socda Wasaaradda Daxbarashada Masar ayaa kala hadashay lana falanqaysay shacosharafta kadib, qaabkii loo wajihi lahaa furitaanka iskuulo dhara oo ay sheegeen in ay doonayaan waftigaasi in ay furan, wasiirada oo lahadashay saxaafada ayaa sheegtay in ay isku raaceen hadda waftigaasi in sanad dugsiyeedka soo socda la furo labadda iskuul ee kala ah 15 May, iyo Sh: Xasan Barsame, waxaa kale oo ay sheegtay wasiiradu ina dawla Masar ay dayactiri dooto iskuulada kala ah Jamaal C/naasir iyo Sh: Cali Suufi, markii uu dhamaatay cashosharaftii iyo wadahadaladii ka danbeeyey ayaa la isdhaafsaday hadiyado, waxana wasiiradu ay gudoonsiisay waftigaas hadiyado ka tarjumaaya ama muujinaya dhaqanka Soomaalida iyo buug ka hadlaaya waxbarashada Soomaaliaya.

Muddadii ay waftigaasi joogeen waxaa kale oo ay la kulmeen agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare Jamhuuriyda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay booqdeen qaar ka mida iskuulada magaalada Muqdisho.