Xuska maalinta afka hooyo oo Muqdisho lagu qabtay.

(Muqdisho) Xaflad lagu xusayo maalinta Afka Hooyo oo ku aadan 21-Febaaryo, 2016, ayaa lagu soo gabbagabeeyey xarunta Akadeemiyada dhaqanka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho, diyaarinta Xuskaan waxaa iska kaashaday wasaaradda Waxbarashada Hidddaha iyo tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo hay’ada UNESCO ee Qramadda Midoobay.

 

Intii ay socotay munaasibada xuska maalinta Afka hooyo waxaa qodbado dhaxal gal ah ka soo jeediyey wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, xildhibaano, aqoonyahano,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, madaxa Akadeemiyo goboleedka iyo madaxa Akadeemiya Soomaaliya  iyo xubno ka tirsan ururadda bulshada, dhamaan ka soo qaybgalayaashu waxa ay xuseen mihiimada ay leedahay in la ilaaliyo afka hooyo. Kusimaha Raysalwasaaraha ahna wasiirka cadaaladda C/laahi Axmad Jaamac (ilkajiir) oo ka mid ahaa madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in Af-soomaaligu yahay af aad u facwayn oo qotodheer hodana ka ah murti iyo xigmado aan laga dhargi Karin lana dhamayn Karin.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cali oo soo xirtay shirka ayaa kula dardaaranta ka soo qaybgalayaashii munaasibada ilaalinta afka hooyo, waxa ayna balanqaadan in cilmi-baaris afka hooyo sanadwalba laga samaynaayo.

 

 

DSC02610 DSC02582 DSC02561 DSC02548 DSC02545 DSC02541 DSC02538 DSC02532 DSC02525 DSC02500 DSC02519