Xuska maalinta Far-soomaaliga iyo furitaanka Akademiyadda Qaranka.

(Muqdisho) Munnaasibad lagu maamuusayo xuska maalinta far-soomaaliga oo ku beegnayd 21 janaayo, ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan kadib markii ay socotay mudo dhan 4 maalmood, waxa ayna munaasabadu ka socotay dhismaha wayn ee Akadeemiyada ee Magaallada Muqdisho.

Mudadii ay munaasabadu socotay waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka midyihiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh: Maxamuud, wasiirka Wassaradda Warfaafinta, wasiirka iyo wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, aggaasimaha guud iyo aggaasime waaxeesyada Wasaaradda, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay dad aad u farabadan oo ka kala socday qaar kamida goboladda dalka oo qaarkood ay soo bandhigeen alaabta ay Soomaalidu hiddaha iyo dhaqanka u leedahay,waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xuskaasi, qaar kamida ardayda dugsiyada sare ee gobolada dalka oo ayagu ku tartamaayey suugaan, kuwaas oo markii danbana la gudoonsiiyey abaalmarino ku aadan kaalimaha ay kala galeen.

Muddadii afarta maalmood ahayd ee ay socotay damaashaadka iyo xuska maalinta far-soomaaliga, waxaa iyana barbar socday furitaanka Akadeemiyada qaranka, waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiin iskugu jira Xildhibaano, Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno, Aggaasimayaal, Culimo awdiin, Ganacsato, Ururada haweenka, Ururada dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa ayna dhamaantood muujiyeen muhiimada ay akadeemiyadu u leedahay bulshada Soomaaliyeed iyo ahmiyada weyn ee ay xambaarsantay Xuska malinta far- soomaaliga.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Marwo Khadar Bashiir Cali oo maalintii xiritanka qudbad dheer halkaas ka jeedisay ayaa sheegtay, cilmibaarisyo ay sameeyeen qaar ka mida hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen in luuqada Soomaaligu ka midtahay luuqadaha qarka u saran in ay dabar go’aan, taas oo ay wasiiradu ku sababaysay ayadoo ay meesha ka maqantahay dhawristii iyo isticmaalkii far-soomaaligga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh: Maxamuud ayaa halkaasi ka soojeediyey qudbad dhaqaajisay dareenka dadkii halkaasi ku sugnaa, madaxweynaha ayaa yiri, “ ummad aan afkeeda noloolayn oo luuqado kale isticmaashaa horumar ma gaarto” waxa uu tusaale u soo qaatay oo uu madaxweynu yiri, “ marka aad waddan kale tagto ma arkaysid goobahooda ganacsiga oo afaf kale ku qoran yihii meelo khaasa mooyaane” waxa uuna aad ugu mahadceliyey golaha baarlamaanka oo uu sheegay madaxweynuhu in ay qoraladda xaafiisyadooda oo dhan u isticmaalaan luuqada soomaaliga.

Xuskan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

vlcsnap-2016-01-23-16h30m15s014 DSC01855 DSC01852 vlcsnap-2016-01-18-23h16m21s130 vlcsnap-2016-01-23-16h31m35s929 vlcsnap-2016-01-18-23h19m53s685 vlcsnap-2016-01-23-16h46m24s531 vlcsnap-2016-01-23-16h32m19s527 vlcsnap-2016-01-23-16h44m47s477 vlcsnap-2016-01-23-16h28m52s026 DSC01855 vlcsnap-2016-01-23-16h47m07s915 vlcsnap-2016-01-23-16h46m16s283 DSC01839 DSC01802 DSC01739 DSC01613 DSC01761 DSC01762 DSC01684 DSC01781 DSC01809 DSC01873