Kulan sharci qabyaa loogu samaynayo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay.

dsc04188dsc04156 dsc04183 dsc04218 dsc04221 dsc04218

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

(Muqdisho) Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay Kulanka Wada-tashiga Qabyo Qoraalka Sharciga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo socondoona mudo labo maalmood ah waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mida masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarada ugu sarsa, waxaa kale oo kasoo qaybgalay xeel-dheerayaal xagga aqoonta ah oo Soomaali ah.

Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/llahi Bille Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu u xilsaarantahay dajinta siyaasadda waxbarashada ayna ku hawlantahay sidii ay u qabsan lahayd hawsheeda.dsc04212

 

 

 

 

Xog-hayaha Wasaaradda Axmed Yuusuf Xasan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadda kulankaan loo qabtay uu qayb ka yahay tayaynta waxbarashadda Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in halkaan lagu qori doono sharci qabyo ah oo loo samaynayo Tacliinta Tare ee Soomaaliya.dsc04201

 

 

 

 

Aggaasimaha guud ee Tacliinta Sare oo hadal dheer halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahanyahay in la tayeeyo jaamacadaha Soomaaliya, si ayuu yiri ay u noqoto ardadda Soomaaliyeed marka ay jaamacadda ka baxaan kuwo u qalma shahaaddada ay wataan.

dsc04181

Leave a Reply

*