Shirweynihii Sadexaad ee dib u eegista Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabagaboobay.

Muqdisho) Shirweynihii sadexaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya oo soconaayey mudo dhan labo maalmood ayaa lagu soo gabababeeyey magaalada muqdisho.

Waxaa ka soo qayb galay madaxda ugu saraysa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu ugu horeeyo WasiirkaWasaaradda C/qaadir Cabdi Xaashi, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Axmad Xasan Yusuf, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Maxamed C/qaadir Nuur, Agaasimaha guud ee Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf, qaar kamida Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, Hay’adaha Relief Internaiol, Adra, Unesco, Cispa, Midawga Yurub, madaxda iyo wakiilada Jaamacaddaha Dalka,masuuliyiin ka socota maamulgoboleedyada Dalka, iyo aqoonyahano.

Mudaddii shirkaani soconaayey ayaa lagu falanqeeyey, xoojinta helitaan waxbarasho tayo leh, waxaana aragtiyadooda isku waydaarsaday dhamaan ka soo qaybgaayaashii shirkaasi, qaar ka mid ah ka soo qaybgalayaasha ayaa dhaliilay habka ay u socoto waxbarashada Soomaaliya, halka ay qaar kalena bogaadiyeen ayagoo bogaadintooda ku sababeeyey marxaladaha burbur ee la soomaray iyo ayadoon wali si wanaagsan looga soo kaban, haddana ay waxbarasho badan oo muhiim ah dalka ka socoto.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa yiri, “bajadka waxbarashada Soomaaliya waa yar yahay hadda, laakiin waxaa qasab ah in hogaanka iyo madaxda loodoorto Soomaaliya ay kordhiyaan bajadka waxbarashada” waxaa kale oo wasiirku sheegay in aysan macquul ahayn in wadan waxbarashadiisa dibadda laga dhiso, wasiirka ayaa umahadceliyey Midawga Yurub, oo uu sheegay in ay gacan ka gaystaan Waxbarashadda Soomaaliya, wasiirka oo hadalka sii wata ayaa yiri “Waxbarashadu kama go’na dalka oo dalka ayey ka midtahay, sida dalku uga soo kabanayo burburka ayey waxbarashaduna u soo kabanaynaa, waxaa ilaah mahadi ah in sannad kasta ay sii siyaadayso fursadaha waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed helayaan”

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlaayey waxyaabihii qabsoomay sannadihii la soo dhaafay, ayuu sheegay in la sameeyey, siyaasadda Waxbarashada Soomaaliya, taas oo hadii aan lasamayn lahayna aysan waxba hirgaleen.

Sidoo kale waxaa halkaas qudbad dhaxal gal ah ka soo jeediyey Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Axmad Xasan Yuusuf, oo shirkana Aggaasimayey, waxa uuna si qotodheer u faahfaahiyey, waxyaabihii sannadkaan qabsoomay, waxyaabaha ladoonayo in ay qabsoomaan mustaqbalka, iyo halka loo socdo iyo waxa iyo heerka la doonayo in ay noqoto waxbarashada Soomaaliya mustaqbalka dhaw, waxa uuna yiri “waxaanu rabnaa mudo kooban in aanu ku gaarno in ay helaan ardayda Soomaaliyeed waxbarasho tayo leh” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Maxamed C/qaadir Nuur ayaa isna ka soo sheekeeyey marxaladihii adkaa ee mudadii dalku burburka ku jiray ay ku soo shaqeeyeen macalihiinta Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in hadda ay waxbarashadu soo fiicnaanayso.

Shirkaas ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo isfaham ku saabsan tayeysiinta waxabarashada Soomaaliaya.

dsc04599 dsc04601 dsc04602 dsc04603 dsc04607 dsc04610 dsc04642 dsc04647 dsc04649 dsc04719 dsc04727 dsc04737 dsc04748 dsc04749 dsc04751 dsc04752

Leave a Reply

*