Abaalmarinta Macallinka Soomaaliyeed

20171221_153625

Waxaa Wasaaradda Waxbarashada ,Hiddaha iyo tacliinta sare soo abaabushay tartanka abaalmarinta macallinka heer qaran kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, waxaa si wadajir ah isaga kaashanayay Hey’ada EFASOM ,waxaa u tartamay ilaa 50 macallin iyagoo isuga soo hareen 10 macallin kuwaasi oo lala yeeshay waraaysi(interview) si loo kala reebo loona soo saaro 1 macallin oo loo doorto  macallinka ugu wanaagsan.

Waxaa ku guulaysatay  Marwo Fardowsa Ciise Axmed  waa gabadh  macallimad ah oo wax ka dhigta dugsi ka mid ah kuwa magaalada Moqdishu ,gabadhaasi oo aqoonteed iyo dhiiranaateedu soo jeedatay guddigii imtixaanka qaadaayay oo ka koobnaa sided xubnood.

Waxaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mr Faysal Cumar Guleed iyo Agaasimaha Guud Mr Xasan Maxamed Cali kalmado dhiiri galin ah ka jeediyeen munaasibada ,waxayna shahaado sharaf gudoonsiiyeen Fardowsa Ciise Axmed oo mutaysatay barnaamujkan taasi oo Wasaaraddu u aqoonsatay inay tahay macallimada ugu wanaagsan macallimiinta Somalia.

Intaasi ka dib waxay Hey’adda EFASOM iyadoo kaashanaysa Varkey foundation u diri doontaa Fardowsa bisha March 2018 wadanka isku taga imaaraatka carabta kaasi oo ay kaga qeyb gali doonto tartanka Macallimiinta Aduunka, hadii ay ku guulaysato tartanka aduunka waxay heli doontaa lacag dhan 1 Million Dollar,hadaba waxay Wasaaradda Waxbarashu dadaal dheeraad ah ku bixinaysaa inay dhiiri galin u samayso macallimiinta soomaaliyeed si ula jaan qaadaan Macallimiinta aduunka..

20171221_154921 20171221_152440 20171221_152438 20171221_150734

Leave a Reply

*