Annaga

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare waxa ay ka kooban tahay labo wasaaradood oo laysku daray oo kala ah: Waxbarashada & Hiddaha & Tacliinta Sare, xarunta wasaaradda waxa ay ku taallaa magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya. Waxaa haatan Wasaaradda wasiir u ah C/rixmaan Daahir Cismaan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo in muddo ah ku soo dhex jiray Waxbarasha aqoon baahsana u leh.