Aqoon iswaydaarsi maanta uga Furmay Gudoonadda iyo Dalladaha Waxbarashada Dalka Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta

Aqoon iswaydaarsi maanta uga Furmay Gudoonadda iyo Dalladaha Waxbarashada Dalka Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta

DG(Muqdishu) Wasaaradda Waxbarashadda iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta uga furtay Xarunta Wasaarada Gudoonada Waxbarashada Dalka iyo Dalladaha gaarka loo leeyahay ee Waxbarashada Siminaar soconaya sadex maalmood kaas oo lagu baranya qaabka loo sameeya tira koobka, xog uruurin iyo sameynta Statistical.

Furitaanka Siminaarka ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Fedraalka Soomaaliya waxa uuna yiri” Siminaarkaan waxa aad ku baraneysaan aad ayey muhiim u tahay marka laga eego dhinaca kormeerida Iskuulada iyo Goobaha Waxbarashada”.

Agaasimaha Wasaarada ayaa intaas ku daray in Nidaamka cusub ee xog u ruurinta lagu bilaabayo Gobalka Banaadir maadaama aan wali qarash loo helin Gobalada kale ee dalka, waxaana looga baahanyahay gobalka Banaadir oo sanadkii la soo dhaafay laga sameeyay kana la sameyn doono xog uruurin inay ka soo baxdo tira koob sax ah oo laga garan karo maxaa isbadalay sanadkaan iyo sanadkii la soo dhaafay, ma kordhayaan arada mise hoos ayey u dhaceen sidaasna waxaa lagu ogaan karaa inaan maanta Siminaarkaan ka faa’iidaysano ayuu yiri Agaasime Maxamed Cabdul qaadir Nuur

Agaasimaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ka soo qeyb galayaasha aqoon iswaydaarsikaan ay yihiin kuwii tawabar siin lahaa kooxaha kale ee la rabo Mustaqbalka aqoon iswaydaarsi noocaan oo kala loo qabto islamarkaana loo baahanyahy inay si wanaagsan u fahmaan waxa laga bixinaayo aqoon iswaydaarsigaan

Xog uruurinta waxay muhiim u tahay qorshaynta, xog hadeysan jirin wax lama qorshayn karo, hadii aa tiraahdo sanadka soo socda Iskuul ayaan dhisaynaa maxaad ku dhisaysaa soo mahan inaad hesho xog, waa inaad haysaa xog uruursan oo kaa saacida qorsheyntaada, waxayna horay u tiri Soomaalida war helaa tala helaa oo micnaheedu yahay qofkii xog helo ayaa qorsheyn sameyn kara marka xogta waxay aas aas u tahay wax kasta oo loo baahanyahay in la qabto ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cabdulqaadir Nuur.

1

 

2

3

About the author

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Dalka Soomaaliya editor

Leave a Reply

*