Aqoon Iswaydaarsi Sadex maalmood Soconaayey oo soo Gabagaboobay.

(Muqdisho)Aqoon iswaydaarsi looga hadlaayey horumarinta gabdhaha oo soconaayey mudo sadex maalmood ah ayaa shala galinkii danbe ku soo gabagaboobay Hotel Afrik ee Magaallada Muqdisho.

Aqoon iswaydaarsigaan oo ay si wadajira u soo qabanqaabiyeen Wasaarada Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hay’ada Mercy Corps waxaa ka soo qaybgalay ilaa iyo Sodon haweena oo ka kala yimid, gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka.

Muddadii aqoon iswaydaarsigu socday waxaa aragtiyo dhaxalgal ah oo soo jiitay dhamaan ka qaybgalayaashii aqoon iswaydaarsiga, halkaasi ka soo jeedisay, Marwo Khadiija C/llaahi Jimcaale, Aggaasimaha Waaxda Jinsiga iyo Horumarinta Gabdhaha ee Wasaarada Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ayna aad u dhiirisay in waalidiintu ay ku dadaalaan waxbarashada gabdha, waxa ayna soo bandhigtay tusaaleyaal waxku ool ah oo ku aadan sida loo hormarinkaro waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

Waxaana ugudanbayntii kulankaasi ku gabgaboobay jawi aad u wanaagsan.

DSC06412 DSC06415 DSC06422 DSC06423 DSC06402 DSC06361 DSC06325 DSC06303 DSC06248 DSC06207 DSC06157 DSC06141 DSC06124 DSC06071 DSC06056 DSC06025 DSC06022 DSC06020 DSC06008 DSC05949 DSC06325

Leave a Reply

*