Arday Deeq Waxbarasho ka Heshay Dalka Yemen oo Maanta Ka Ambabaxay Muqdisho.

Arday Deeq Waxbarasho ka Heshay Dalka Yemen oo Maanta Ka Ambabaxay Muqdisho.

Ardaydani maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeda dalka Yemen ayaa waxa ay nasiib u yeesheen in Jaamacado ay ka dhigtaan dalkaasi, ka dib markii imtixaanaad ay u galeen deeq waxbarsho oo ay Soomaaliya ka heshay Dowladda Yemen, iyadoo imtixaanaadkasi ardadan ay ka qaaday wasaaradda horumarinta adeega Bulshada Soomaaliyeed Agaasinkeeda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare. Agaasimaha Agaasinka Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Prof: Maxamed C/qaadir Nuur oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan C/lle Cismaan (aadan Cadde) ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ardayda maanta ka ambabaxday magaaladda Muqdisho ee ku sii jeeda dalka yeman si waxbarahadooda ay uga sii wataan dalka yemen. Agaasimaha ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ardaydan ay dalka yemen ku soo dhaweeyn doonaan madaxda safaaradda soomaaliya ee dalka yeman,ardayda soomaaliyed ee wax ka barata dalkaasi kuwaasoo kaalin weyn ka qaadan doona sidii ardaydani loo kala geeyn lahaa gobollada ay ku yaalaan jaamacadaha ay wax ka baran doonaan. Dalka Yemen ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka Soomaaliya siiya deeqaha waxbarasho, iyadoo halkaasi ay ku nool yihiin boqolaal Soomaali ah oo si wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda kuwaasoo ay ka mid yihiin ardayda soomaaliyeed oo wax ka barata dalkaasi. Xigasho: Radio Muqdisho

About the author

Maamul administrator

Leave a Reply

*