Author Archive Maamul

Munaasabad xil wareejin ah ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee

Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarshada Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax barre ayaa si rasmi ah u la wareegay xilka Wasiirka wasaaradda waxbarshada Federaalka,  waxaana Munaasabada Xilwareejinta ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, iyo Madaxda,  howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadlay xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay wasiirka cusub, waxaana uu ballan qaaday in si wanaagsan oo qalbi furnaan ah ay ula shaqaynayaan wasiirka cusub

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda uu ku hagi doono siyaasad hufan isaga oo kaashanaya madaxda kale iyo howlwadeenada wasaaradda.

“Waan ku faraxsanahay in la igu aaminay siyaasadda waxbarashada dalka, waxaan rajeynayaa inaan sameeyo isbedel wanaagsan oo aan hormarino waxbarashada dalka, waana u mahad celinayaa cidii masuuliyaan igu aamintay”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed oo gaba gabadii hadlay ayaa muujiyay in wasaaradda waxbarashadu ay tahay meel laga jiheyn karo bulshada, waxaana uu qiray inay tahay meesha kaliya ee laga jihayn karo dal burburay oo colaad iyo jahli ka soo kabanaya

“Wasaaradda Waxbarashadu waa meesha kaliya ee laga jiheeyo Bulshada dal bu buray oo jahli kasoo kasoo kabanaya, waxaana rajeynayaa in wasiirka cusub oo shaqo wanaagsan qaban doono”ayuu yiri ra”iisul was are ku xigeenka dalka” ayuu yiri

Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay manhajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose

Munaasabada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada oo lagu soo bandhigay manhajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose ee dalka gaar ahaan fasalada 1aad iyo 4aad ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirro, xildhibaanno, Aqaanyahanno, Culima’udiin iyo martisharaf kale.

Faadumo Maxamed Cali oo ka mid ah guddiga madaxa-bannaan ee diyaarinta manjajka heer Qaran ayaa ka sheekeysay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray manhajka iyo dadaalka dheer oo ay wasaaradda iyo guddigu intaba ku bixiyeen, waxaana ay sheegtay in ay go’am tahay Wasaaradda iyo Guddiga in la helo manhaj Soomaaliyeed oo wax lagu baro carruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasbaada ayaa sheegay in talllabadan ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ay bilow wanaagsan u noqon karto in la helo

manhaj Soomaliyeed, isaga oo dhinaca kale gaar ahaan Wasaarrada ka codsaday in la helo qoraal afka Soomaaliga ah oo mideysan, madaama ayuu yiri lagu kala duwanaan karo dhinaca lahjadaha.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa yiri ‘’ “Sharaf weyn ayeey inoo tahay in aan maanta daah furno manhajka waxbarashada Qaranka oo aad muhiim ugu ah mustaqbalka dalka iyo xaaladda maanta lagu jiro, waxaan dadaal xoog leh gelinay sidii loo heli lahaa manhaj Soomaaliyeed oo mideysan, si loo soo saaro ubad Soomaaliyeed oo isku feker ah, isku dhaqan ah, isku aragti ah, isku damqada, lehna aqoon waafi ah, ilbaxnimo iyo ujeeddooyin mideysan oo ku saleysan Soomaalinimo.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay dhamaan martisharaftii ka soo qeybgashay munaasabada gaar ahaan guddoomiyaha Aqalka Sare, wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddiga arrimaha bulshada BFS, xubnaha ka socday EU iyo dhammaan kasoo qeyb galayaasha.

Munaasabada ayaa ugu danbeyntii waxaa ka qeybgalay culima’udiin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha guddiga culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Xaqiijin/Sugid

XAQIIJIN

_______________________________________

Waxaan halkaan idinku xaqiijinayna in Jadwalka pageka Wasaaradda la soo galiyey iyo hadalka wasiirkuba saxyihiin iswaafaqsanyihiin jidwalkuna sidaas uu yahay loogu socon doono Haddii Allah ogolado.

 

Mahadsanidiin

 

Screenshot_20180520-200515_Pages Manager20180520_190644

OGAYSIIS DEGDEG AH

OGAYSIIS DEGDEG AH.

__________________________________________________

Dhamaan Kormeerayaasha iyo Ardayda Imtixaanka galaysa Waxaa la idinku war galinayaa In Imtixaanka maanta 20/05/2018
Uu BAAQDAY/ AAN LA GALAYN Roobaab ka da aayo Gobolka Banaadir iyo gobolo Kale awadeed.

Fadlan gaarsii Ardayda

Adigoo Isticmaal facebook pagekeena:

Ministry Education, Somalia Www.facebook.com/wwbSomalia

Mahadsanidiin

Imtixaan Mideysan

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka mideysan,  ee Shahaadiga ah Dugsiga Sare oo maanta ay u fariisteen 27,600 oo arday.

Schoolka 15-ka May oo uu ka dhacayey imtixaanaadkaasi oo si weyn loo adkeeyey amnigiisa ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Wxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay daah furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska dalka.

“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo Hooyooyinkii ka soo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Innagana ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allh si arday walbo uu fursad u heli lahaa”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale u mahad celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashada dalka.

“Waa Iftiin qaranimo Soomaaliyeed ay ka muuqato, Waa Horumar uu wadankeenu ku tilaabsanayo, waxeyna ahaan doontaa howlaha saldhiga u ah xukuumaddu iney ka shaqeyso”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaar ayaa waxaa maanta ka bilowday Imtixaanka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ah markii saddexaad ee Wasaaradda Waxbarashada ay qabato, tan iyo burburkii dowladdii Dhexe.

XARUMAHA IMTIXAANKA GOBOLKA BANAADIR

XARUMAHA IMTIXAANKA GOBOLKA BANAADIR
____________________________________________________
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay shaacisay xarumaha Imtixaanadka lagu galayo 2017/18
Lifaaqa hoose waxaad ku Jira dhamaan xarumaha gobolka Banaadir guud kuwii hore loo shaaciyey iyo kuwa aan la shaacin iyo xarumaha Degmada Afgooye.
Waxaa sidoo kale lagu shaaciyey xogtaan barta Facebook Wasaaradda ………Ministry of Education, Somalia
  1. Xarumaha Gobolka Banadir Final
  2. Xarumaha Banaadir Dambe
  3. Afgooye

Mahadsanidiin

 

la wadaag ardayda kale Mahadsanidiin

 

Jadwalka Imtixaanka Fasalka 12aad 2018

JIDWALKA IMTIXAANKA QARANKA 2018

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Waxay soo saartay Jadwalka Imtixaanka qaranka 2017/2018

fiiri lifaaqa hoose.

Jadwalka Imtixaanka 2018