Deeq Waxbarasho oo Wasaaradda Waxbarashada ay kuu Hayso

Deeq Waxbarasho oo Wasaaradda Waxbarashada ay kuu Hayso

logoWasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey kuu haysaa Deeq Waxbarasho oo Diploma laba sano ah, Qeybta Macalinimada (Faculty of Education) taasoo u gaar ah Gabdhaha Soomaaliyeed ee daneynaayo inay kamid noqdaan Barayaasha Dalka.

Deeqdaan Waxbarashada ee ay hayso Wasaaradda Waxey gaar u tahay Gabdhaha, waana Deeq Waxbarasho oo dhameystiran ama Full Schoolarship, tirade loo baahanyahay waa Kontan Gabdhood (5O)

Wasaaradda Waxbarashada waxey ugu tala gashay Deeqdaan inay uga faa iideeyaan Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir.

Waxaa looga baahanyahay codsadaha Deeqdaan Waxbarashada inuu ka soo bixi kara Sharuudahaan:

  1. Waa inay soo dhameysatay Dugsi Sare
  2. Waa iney Diyaar u tahay iney kamid noqoto Macalimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dalka.
  3. Waa in diyaar ay u tahay in laga qaado Imtixaan Tijaaba ah.
  4. Waa iney raali ka tahay marka ay dhameysato Waxbarashadeeda inay noqoto Macalin waxbarta Ubadka Dalkeena.

Qabashada Araajida Waxey bilaabaneysaa 1 bisha January 2015, waxeyna ku egtahay 3 bisha Janaury 2015-ka .

Waxaad ku soo hagaajin kartaa Araajidiina Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada ee Magaalada Muqdishu, ama Eamilkaan: gotoschoolsomalia@gmail.com

About the author

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Dalka Soomaaliya editor

Leave a Reply

*