kulan ku saabsan dib u habaynta siyaasadda Qaran ee Waxbarashadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Maggaalo Muqdisho.

(Muqdisho) kulan ku saabsan dib u habaynta siyaasadda Qaran ee Waxbarashadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Maggaalo Muqdisho.

Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday waxbarashadda Dawladgoboleedyada Soomaalya, jaamacadaha dalka, ururada bulshada, iyo dalladaha waxbarashada, waxaa hadalo ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/qaadir Cabdi Xaashi, waxaana wasiirku si qotodheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in dib loo eego siyaasadda qaran ee waxbarasho, waxaa kale oo wasiirku goobta ka sheegay in uu dhawaan magacaabi doono guddi ka shaqayndoona imtixaanka sanadkan la qaadidoono, waxaa sidoo kale Wasiirku sheegay in la tayeynayo goobaha waxbarashada sida iskuulada iyo jaamacadaha.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Xasan iyo Aggaasimaha waaxda Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf, waxa ayna labada masuulba sheegeen baahida looqabo tayeysiinta goobaha waxbarashada iyo dadaalka ay Wasaaradda Waxbarashadu ugu jirto hagaajinta iyo kor uqaadista waxbarashada Soomaaliya.

Kulamadaan kala duwan ee ay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo waday afartii sano ee ugu danbaysay ayaa qayb ka ah tayeysiinta Waxbarashadda Soomaaliya.

dsc04229 dsc04230 dsc04231 dsc04232 dsc04235 dsc04240 vlcsnap-2016-10-08-16h34m36s681 dsc04265 dsc04259 dsc04257 dsc04249 dsc04248 dsc04244 dsc04243

Leave a Reply

*