kulliyada Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo shalay xariga laga jaray.

(Muqdisho) Xaflad lagu maamuusayo furitaanka Xarunta kulliyada Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyee ayaa ka dhacaday dhismihii hore ee Jaamacadaas oo qaybo ka mida dib loo dayactiray.

Waxaa furitaankii kulliyadaasi ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sh: Maxamuud. Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha, C/qaadir Cabdi Xaashi,Aggaasimaha guud ee wasaaradda, Pro Maxamed C/qaadir Nuur, xeer ilaaliyaha Qaranka, saraaskiisha Booliska iyo Milatariga, waalidiin iyo ardaydii Jaamacadda iyo marti shalaf kale oo farobadan.

Qodbado kala duwan oo halkaasi ay ka soo jeediyeen masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayey ku sheegeen ahmiyada ay waxbarashadu u leedahay dadka iyo dalka. Madaxweynaha oo halkaasi madaxdii ka hadashay ka mid ahaa ayaa sheegay in dalku uu marba marka ka danbaysa uu ka soo kababanayo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ka soo gaartay dagaaladii sokeeyey iyo dawlad la’aantii mudadda dheer dalku ku soo jiray, madaxweynaha ayaa yiri “dawladu waxa ay ka shaqaysay oo abuurtay jawi keeni kara in meelo badan oo dalka ah wax laga qabto, halkaan aan joogno maantana waa kamid meelah jawigaas dagan uu keenay in la dhiso oo maanta dib loo hawlgaliyo”

Gudoomiyaha jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa aad ugu dheeraday dadaalka dheer ee ay u soo galeen in ay dhisaan qabtaan, waxa uuna sheegay in qaybo badan oo kale ay harsanyihiin, waxa uuna codsaday in kuwaasna ay dawlada iyo shacabku kala qaybqaataan sidii ay u dhismilahaayee.Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa isna u mahadceliyey dhamaan cidkasta oo ka qaybqaadatay hirgalinta dhismahaan. Waalidiintii ayaguna ka soo qaygalay ayaa aad u bogaadiyey masuuliyiinta Jaamacadda Umadda sida kartida leh ee ay ugu dhiiradeen in ay qabtaani hirgasho.

Xafladaas ayaa siwanaagsan ku soo dhamaatay.

dsc04517 dsc04548 dsc04564 dsc04572 dsc04571 dsc04475 dsc04477 dsc04477 dsc04473 dsc04478 dsc04479

Leave a Reply

*