Madaxda ugu Saraysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo la kulantay, Wasiiradda Waxbarashada Maamul Gololeedyada Soomaaliya.

(Muqdisho) Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iya Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo qaban qaabisay kulan ay ka soo qaybgaleen, Wasiirada Waxbarashada Maamul goboleedyada soomaaliyeed.

Kulankaan oo ka dhacay Maallada Muqdisho ayaa looga hadlay qoraal isfaham ah oo kusaabsan iskaashiga waxbarashada ee u dhexeeya, Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iya Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dawlad Goboleedyada, dalka ka jira.

Cabdi Faarax Siciid (Juxa) Wasiirka Arimaha Gudaha ee hadda oo markaasi ka shaynaayey isku xirka iyo xiriirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada Maamul gobeleeyada, oo halkaasi ka hadlay ayaa ka soo sheekeeyey shaqadii mihiimka ahayd ee uu qabtay, waxa uuna bogaadiyey dadkii la shaqaynayey gaar ahaan xubno ay ugu horeeyaan Xoghayaha Wasaarada Waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf, iyo Siciid cawaale oo isna ka tirsan Wasaarada Waxbarasha, waxaa kale oo uu amaanay isfahamka dhexmaray mudadii uu hawsha waday asaga iyo masuuliyiintii Waxbarasha ee Maamulada.

C/rixmaan Daahir Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iya Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey dadkii shaqada soo waday, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu meesha hadda ay marayso ay tahay meel wanaagsan oo lagasii amba qaadi karo.

C/rixmaan C/dile Muxamed (jaabir) wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Faysal Cumar Guuleed Wasiirka Waxbarashada oo ayaguna halkaas ka hadlay, ayaa balanqaaday in hawshu halka ay marayso ay kasii dardargalindoonaan.

Wasiirada Waxbarasha Maamul goboleedyada oo ayaguna hadlay ayaa sheegay in ay ka waxbarasho ahaan ay yihiin isku bah ayna muhiimtahay, in aan la siyaasadayn waxbarashada Soomaaliya, waxa ayna codsadeen in deeqaha si cadaalad ah loo qaybiyo.

Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad iyo wadashayn lagu balamay.

DSC06768 DSC06767 DSC06764 DSC06777 DSC06778 DSC06782

DSC06808 DSC06791 DSC06813 DSC06823 DSC06786 DSC06788 DSC06794 DSC06821 DSC06818 DSC06832DSC06771

Leave a Reply

*