Sawiro

Wasiirka waxbarashada xukuuumadda Soomaaliya ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay maxaabiista bartay bartay Koombitarka iyo saxaafadda

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya  ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad  38 maxbuus oo  dhameysatay dugsiga hose dhexe oo lagu qabtay xabsiga dhexe ee Xamar.

Munaasabada ayaa waxaa joob joog ka ahaa  taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale oo lagu casumay .

Maxaabiistan ayaa  bartay  koombitarka  iyo saxaafadda waxa ayna soo bandhigeen aqoontooda ku aadan habka wax loo baray iyo bugaag ay diyaariyeen intii ay xabsiga ku jireen.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa munaasabadda ka sheegay  siyaasadda iyo aragtida  la xiriirto xabsiyada ee dowladda.

“Xabsiga iyo maxbuuska xariirka ka dhaxeya maha xiir aar goosi ah mana ahan xiir qofka lagu ciqaabayo  balse waxa uu yahay xiriir qofka bulshadiisa danbi ka galay in lagu saxo la rabo xabsigu maaha meel la isaga  aarsado ee waa meesha kaliya ee qofku marka uu bulshadiisa uu danbiga ka galay dib ugu soo laabto uu u noqdo qofka bulshada ugu fiicaan , waxana marqaati ka ah maanta munaasabada ay  ku qalin jabinayaa 38 maxbuus oo bartay maa dooyinka koombiitarka iyo saxaafadda taasina waa qeyb kamid ah horumarka dowladda ay gaartay”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

“Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed dhamaan tood meelkasta oo ay joogaan iyo Hogaankooda wanaagsan oo soo nooleysiiyay kana shaqeysiiyay aragtida xukuumadda jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa mid xasuus gaar ah mudan”ayuu intaasi raaciyay wasiir Goodax.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan  faraxsad u tahay in maxaabista Soomaaliyeed ay wax bartan.

“Ka wasaarad ahaa sigaar ah bey noo taabaneysaa in wax la baro maxaabista Soomaaliyeed danbi kasta ha ku xirnaadaane waxbarashdu waa mida kaliya ee qofku horumar ku gaari karo”ayuu yiri mudane Goodax.

Taliyaha ciidaanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir maxamed Jaamac  ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii maxaabiista ay u noqon lahayeen dad wax bartay.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo dhagax dhigay iskuulka sare degmada Howlwadaag, kuwa kalana xariga ka jaray

Wasiirka waxabasrashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barte ayaa maanta dagmada Hol-wadaag ee gobalka Banaadir ka dhagax dhigay dugsiga sare oo ay wax ku baran doonaan ardayada degan howlwadaag.

Sidoo kale wasiirka Waxbarashada mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa ka qeyb galay munaasabadda xariga looga jarayay  iskuulladda hoose dhexe  ee howlwadaag iyo Xassan  Qariidi, waxana ku wehlinaya wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan, madaxa midowga yurub pinji Gardiyola ,madax ka socotay hay,adda Adra iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay

Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa shegay in XFS,ay mar walba diyaar u tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo in dib loo soo celiyo dugsiyadii burburka uu soo gaaray.

Madaxa midowga Yurub  Pinji Gardiyola ayaa sheegay in ay qeyb ay ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada Soomaaliya waxana u mahad celiyaya xukumadda Soomaaliya oo uu shegay in ay ku dadaashay kor u qaadista waxbarshada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa shegay in ahmiyada koobaad la siinayo horumarinta waxbarshada dalka islamarkana loo baahan yahay in lasoo saaro macalimiin tayo leh si ardayda Soomaaliyeed ay heer u gaaraan .

“Sida aad ka war qabtaan maanta waxa aan isugu nimid in aan u dabaal dagno dayactirka labada iskuul sidoo kale muhiimad gaar ah bey noo leedahay dhagax dhiga  dugsi sare oo ay yeelato dagmada Howlwadaag  sida aan ognahay ardayda inta badan waxa ay aadan dagmooyin kale si ay u helaan dugsi sare  maanta waxaad nasiib u yeelateen hadii aad tihiin dagmada holwadaag in aad heshaan dugsi sare”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in gacanta dowladda dib loogu soo celiyo iskuuladii dowladda islamarkana kor loo qaado aqoonta macalimiinta iyo tayeynta waxbarashada

Wasaaradda waxbarashada XFS,ayaa tababar ugu furtay Magaalada muqdisho 70 boqol oo maamule.

Wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta  magaalada Muqdisho tababar uga furtay in ka badan 700  oo macalin oo wax ka dhiga iskuullada ku yaalla gobolka Banaadir.

Tabarkaan oo socon doono muddo todobo maalmood ah ayaa lagu baran  doono  xog aruurinta sanadlaha ah ee iskuullada hoose dhxe sare ee gobolka Banaadir.

Todobada maalmood ee uu socdo tababarkan ayaa maalin walba ka qeyb galaya 100 macalin  waxana tababarkan  bixinaya xafiiska xog aruurinta iyo tira koobka wasaaradda waxbarashada.

Agaasimaha waaxda qorsheyta Khadiijo Cabdalle jimcaale ayaa sheegtay in tababarkaan uu ku saleysan yahay xog aruurinta sanadlaha ah ee iskuullada gobalka Banaadir iyo sidii leysaga kaashan lahaa sidii macluumad dhab ah  looga diyaarin lahaaa sida ay u socoto waxbarashada iskuullada gobalka Banaadir.

 

Wasaiirka waxbarashada XFS. ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, wuxuu wasiirka uga mahadceliyay danjiraha booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada,

Wasiirka waxbarashada  waxa uu sheegay in uu kala hadlay safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya  Danjire Mehmet Yilmaz ,xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kor u qaadista dhanka waxbarashada.

Waxaan manta Xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.

Arrimaha aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ah  xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhanka waxbarashada oo ay arday Soomaaliyeed oo ku dhaw  labo kun ay wax ku bartaan dalka Turkiga.

Danjiraha dowladda  Turkiga Mehmet Yilmaz, ayaa warbixin iga siiyay sida dowladda turkiga ay mar walba diyaar u tahay gacan ka geysashada horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada.

Mehmet wuxuu  ballanqaaday in dawladda Turkiga ay laban laabi doonto fursadaha waxbarasho ee la siiyo ardeyda Soomaaliyeed.

DowladdaTurkiga  waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay  dib u soo kabashada  dalka, waxaan u uga mahad celinayaa  danjiraha  dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada XFS,yaa magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Munaasabadda ayaa waxaa job jog ka ahaa madax ka tirsan maamulka puntland odayaal dhaqameed iyo marti sharafkale oo lagu casumay.

Wasiirka Waxbarashada XFS,Mudane Cabdullaahi Goodax bare ayaa soo dhaweeyay horamarinta bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

 

Waxaan   magaaladda Garoowe  uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya markasta waxaa ka go’an in ay kaalin mugleh ka qaadato soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo micno weyn ugu fadhiya  bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar u mahad celinayaa intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka oo ugu horeyo wasiirka waxbarashada Puntland Abshir, Aw-Yuusuf iyo Nabadoon  Ciise Maxamed.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka  Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada ay ka go,antahay soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada XFS iyo Danjiraha Masar oo kormeeray iskuulka 15 May

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [jaabir] iyo safiirka dowlada Masar u jooga  Soomaaliya Maxamed Ibraahim ayaa maanta kormeeray dugsiga 15 may ee magaalada Muqdisho

Dugsiga 15 may  oo ay gacanta ku heyso dowlada Masar ayaa waxa dhigta in kabadan 400 oo arday Soomaliyeed ah islamarkana ay wax baraan macallimiin u dhalatay dalka Masar.

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada iyo safiirka dowlada Masar u joogo Soomaaliya ayaa la kumay macallimiinta wax bara arday Soomaaliyeed waxana  macalimiinta  ay  soo bandhigeen qaabka ay wax u baraan arday Soomaaliyeed.

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dowlada Masar dadaalada hormarined ee ay ka wado dalkeena.

” Waxaa muhiim ah inaan ogaano waxbarashada caruurta Soomaaliyeed waxaa bogaadin mudan tayada waxbarsho oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed oo ay siisay dowlada Masar waxaan kala hadlay safiiraka dowlada Masar horumarinta waxbarashada ardey Soomaaliyeed  waxan rajo wanaagsan ka qabnaa anaga oo kaashaneyno dowlada Masar in aan sii horumarin doona waxbarashada ardaydeena”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle( Jaabir)

Danjiraha dalka Masar u fadhiya Soomaaliya  Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir tariikhi ah kaasoo salka ku haya iskaashiga dhinacyada waxbarashada,Caafimaadka,  iyo siyaasadda.

Danjire Maxamed Ibraahim ayaa sidoo kale u mahad celiyay maamulka iyo cid kasta oo tageerta iskuulka 15 May.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo deeq waxbarasho u direysa Ardeydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed,wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ,ayaa maanta kulan wada jira la qatay 10-kii ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaankii ay qaaday wasaaradda waxbarashada  ee 2017,2018-ka.

 

Madaxda wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ayaa 10 ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda u ballan qaaday inay waxbarasho dibadda u diri doonto.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in mar walba wasaaradda waxbarashada ay diyaar u tahay kor u qaadista waxbarashadda ardayda Soomaaliyeed.

 

‘’Ka wasaarad ahaan waajib ayaa naga saaran sidaan u dhisi laheyn aqoonta ardayda Soomaaliyeed,waxana naga go’an in aan meel sare gaarsiino arday kasta waxana ay qeyb ka tahay hamigeena dhow”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

 

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdule (jaabir) ayaa ardayda kala hadlay hamigooda ah heerka ay doonayaan in ay ka garaan waxbarashada waxana uu balan qaday in ka wasaarad ahaan ay garab istaagi doonaan.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in wax lagu farxo aytahay in ardayda Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin in ay heer ka gaaraan waxbarashada.

 

Wasaaradda waxbarashada ayaa wada dadaalo ku adan sidii kor loogu qaadi lahaaa waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, iyadoo deeqo waxbarasho loo diray ardey Soomaaliyeed kuwaasoo hadda wax ka barta dalalka Shiinaha, Suudaan, Itoobiya ,ruushka iyo masar.

Wasiirka waxbarashada XFS, ayaa kulan wadatashi ah  la qaatay ardeyda wax ka barta jaamacaddaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan wadatashi ah  la qaatay ardeyda wax ka barta jaamacaddaha magaalada Muqdisho.

Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wasiirka waxbarashada uu dhageysan lahaa cabashada ay qaban ardeyda Soomaaliyeed islamarkana uu faah faahin uga siin lahaa dadaalka wasaaradda waxbarashada ugu jirto horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada xoogga saareyso sidii loo heli lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo xirfad leh.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa ardeyda ka qeyb galay kulanka u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay manhaj cusub, islamarkanaa la tababaray macalimiinta dhigaya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada marnaba aysan ilaabi doonin, dadaalkii dadka Soomaaliyeed u soo galeen si wadid waxbarashada dalka markii ay dhacday dowladdii dhexe.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in macalin kasta oo wax ka dhiga iskuullada dowladda xiligan uu lee yahay xirfad uu ku bixiyo maadada uu dhigayo, taasina ay door ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada XFS oo ka qeyb galay munaasabad ku qalin jabinayeen 25 ardey oo bartay culuumta badda

Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen dufcadii 3aad ee dugsiga tababarka Akadeemiyadda culuumta badda iyo qawaaniinteeda.
Tirada ardeyda ka qalin jabisay Akadeemiyadda culuumta badda iyo qawaaniinteeda ayaa gaaray 25 ruux kuwaasoo muddo la barayay culuumta badda iyo qawaaniinteeda.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa gudoomiyaha hay’adda cilmi barista badaha Soomaaliyeed Admiraal Faarax Qare saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale .
Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa dugsiyadda farsamada gacanta ee ku yaalla dalka si loo helo dhalinyaro xirfad leh.
“Wasaaradda waxabarashada waxay dib u dhis ku sameyneysaa dugsiyadda farsamadda gacaanta waxana lag dhisi doonaa dhamaan dalka si ay ug faa’ideystaan dadka Soomaaliyeed kawasaarad ahaan wajib ayaa naga saran horumarinta waxbarashada dalka”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa aqoonta dadka Soomaaliyeed islamarkana loogu abuuri lahaa xirafado ay ku shaqeystan.

DAAWO SAWIRADA: Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha wasaaradda oo ka qeyb galay barnaamijka isxilqaan

Wasiirka waxbarashada hidda iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka, wasiiru dowlaha, xoghayaha joogtada agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa maanta ayaa ka  qeyb galay wareegii labaad ee isxilqaan oo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ay ka sameyeen tiyaatarka qaranka.

Ololahan maanta  ay ka qeyb galeen madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa ahaa dhismaha howlaha danta guud.

Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in barnaamijka isxilqaan uu yahay barnaamij qeymo wey u leh bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay waajib tahay in bulshadu gacmahooda ay ku dhistaan goobaha danta guud.

 

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle jaabir  ayaa sheegay ayaa  u mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo ra’’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo iska lahaa hal abuurka barnaamijkan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdulaahi Goodax Barre oo ka qeyb galay  barnaamijka isxilqaan ee lagu dhisayo tiyaatarka qaranka  ayaa sheegay in shaqo aan loo kala harin shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ay ka sameyeen tiyaatarka qaranka.

“Maanta waxaan ka qeyb galay barnaamijka isxilqaan oo ka socda Tiyaatarka qaranka.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta  sare ee Soomaaliya markasta  waxaa ka go’an inay kaalin  mug leh ay ka qaadato  ololaha isxilqaan  oo dib loogu  dhisayo  xarumaha danta  guud.

Waa markii  labaad oo wasaaradda waxbarashada ay  ka qeyb gasho dhismaha Tiyaatarka qaranka.

Qorshahan isxilqaan  ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay waa mid muhiim u ah dib u dhiska dalka,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sar ee dalka Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in  wasaaradda waxbarashada ay tahay cududda  uu dalku leeyahay islamarkana ay ka  go’an tahay inay door muuqda ka qaatan horumarinta dalka.