Wararka

Munaasabad xil wareejin ah ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee

Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarshada Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax barre ayaa si rasmi ah u la wareegay xilka Wasiirka wasaaradda waxbarshada Federaalka,  waxaana Munaasabada Xilwareejinta ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, iyo Madaxda,  howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadlay xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay wasiirka cusub, waxaana uu ballan qaaday in si wanaagsan oo qalbi furnaan ah ay ula shaqaynayaan wasiirka cusub

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda uu ku hagi doono siyaasad hufan isaga oo kaashanaya madaxda kale iyo howlwadeenada wasaaradda.

“Waan ku faraxsanahay in la igu aaminay siyaasadda waxbarashada dalka, waxaan rajeynayaa inaan sameeyo isbedel wanaagsan oo aan hormarino waxbarashada dalka, waana u mahad celinayaa cidii masuuliyaan igu aamintay”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed oo gaba gabadii hadlay ayaa muujiyay in wasaaradda waxbarashadu ay tahay meel laga jiheyn karo bulshada, waxaana uu qiray inay tahay meesha kaliya ee laga jihayn karo dal burburay oo colaad iyo jahli ka soo kabanaya

“Wasaaradda Waxbarashadu waa meesha kaliya ee laga jiheeyo Bulshada dal bu buray oo jahli kasoo kasoo kabanaya, waxaana rajeynayaa in wasiirka cusub oo shaqo wanaagsan qaban doono”ayuu yiri ra”iisul was are ku xigeenka dalka” ayuu yiri

Imtixaan Mideysan

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka mideysan,  ee Shahaadiga ah Dugsiga Sare oo maanta ay u fariisteen 27,600 oo arday.

Schoolka 15-ka May oo uu ka dhacayey imtixaanaadkaasi oo si weyn loo adkeeyey amnigiisa ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Wxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay daah furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska dalka.

“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo Hooyooyinkii ka soo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Innagana ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allh si arday walbo uu fursad u heli lahaa”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale u mahad celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashada dalka.

“Waa Iftiin qaranimo Soomaaliyeed ay ka muuqato, Waa Horumar uu wadankeenu ku tilaabsanayo, waxeyna ahaan doontaa howlaha saldhiga u ah xukuumaddu iney ka shaqeyso”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaar ayaa waxaa maanta ka bilowday Imtixaanka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ah markii saddexaad ee Wasaaradda Waxbarashada ay qabato, tan iyo burburkii dowladdii Dhexe.

Dhismaha Wasaaradda

( Muqdisho) Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa si rasmi ah u furay dhismaha Wasaarada Waxbaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaa furitaankii ka soo qaybgalay, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul-insaanka Soomaaliya, Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiirudawlaha Waxbarashada Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo asaga marti loo ahaa.

Wasiirka  Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxaa, oo ugu horayn  halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay tani muujinayso in amaankii wadanka wax laga qabtay oo horumar laga sammeeyey, maadaama dib loo dayactiray lana dagayo dhismihii hadda ka hor wasaaradda lagu weerahay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Daahir Cismaan oo ku soo dhaweeyey Raysalwasaaraha, ayaa ka hor waxa uu guudmaray waxqabadka madaxda Wasaaradda Waxbarashada, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

“mudane raysalwaare aad ayaan ugu faraxsanahay in aad maanta nagala soo qaybgasho furitaanka xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waa talaabo aad uwayn oo mihiim ah oo aanu hore uqaadnay, waxa ayna ku jirtay balanqaadkayagii markii xilka naloo dhiibay, waxaanu waxwayn ka qabanay Manhajka Soomaaliya oo aanu isleenahay waxa uu keenayaa wadajir bulsho, waxaad ogtihiin in tuhun laga muujiyey sida loo maamulo waxbarashada deegaha Soomaaliya ay hesho, sidaas daraadeed waxaan samaynay si tuhunkaas meesha uga baxo, guddi maamula oo isugu jira xubno ka socda Baarlamaanka, Aqalka sare, iyo xubno ka socda Bulshada rayadkaa, waxaa sidoo kale qayb ka ah wasaarada”

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay intaasi abuurayso kalsooni shacabka Soomaaliyeed ay u qaadaan Wasaaradda Waxbarashada iyo dawladda. Kadibna waxa uu wasiirku ku soo dhaweeyey raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxa uuna hadalka ku bilaabay.

“waxaan marka hore u mahad celinayaa shaqaalaha iyo madaxda wasaarada shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada iyo sida ay isugu tashadeen ee wax uga qabteen dib u hagaajinta dhismaha wasaaradda, waxaana rajaynayaa in wasiirada kale ee xukuumadu ay talaabadaas wanaagsan kaga daydaan Wasaaradda Waxbarasha, waxaan rabaa in aan idiin sheego, sida kaliya ee aduunka aan kula tartami karno waa in caruurta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxlabaro”

Raysalwasaaraha oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in talaabada xagga islaxisaabtanka eek u salaysan habka deeqaha waxbarashada, ay tahay mid aad u wanaagsan oo ku dayasho mudan, waxa uuna ugu hanbalyeeyey madaxda iyo shaqaalaha wasaarada qorshaha fiican ee ay samaysteen kuna guulaysteen.

Waxaana furitaankaasi Dhismaha Wasaarada Waxbarashada ku soo dhamaaday si aad u wanaagsan.vlcsnap-2017-08-16-17h58m05s518 vlcsnap-2017-08-16-17h57m36s778 vlcsnap-2017-08-16-18h01m27s761vlcsnap-2017-08-16-17h58m41s237

Sadex qof oo u anbabaxday dalka Jabaan.

Hay’ada UNESCO  ayaa tababar  u dirtay 3 qof oo ka mid ah waaxda tabarada Wasaarada Waxbarashada Hiddaha  iyo Tacliinta Sare ee Soomaali, dadkaan ayaa la soo baridoonaa habka nabadda loo xoojiyo waxa ayna u amba  baxeen dalka Jabaan.

Lifaaqa hoose eeg warsaxaafadeed  ka soobaxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Press Release Somalia

logo

Warsaxaafadeed ka soo baxay xaafiiska wasiirka waxbarashad Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xaafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Mudane Cabdi Daahir Cismaan, ayaa lagu soo bandhigay abaalmarino deeqo waxbarasho oo wasaardu ay siiyey tobankii arday ee ugu saraysay imtixaanka Qaran 2016/2017.

 

Warsaxaafadeed

Q5aad ee natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee xarumaha Gobolka Banaadi

Q5aad ee natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee xarumaha Gobolka Banaadir, ee sanad dugsiyeedka 2016-2017. ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

logo

eeg lifaaqa hoose

Waaberi Cusub Wiil-waal XAMAR JAJAB Xamar Wayne Xasan Qariidi Yaasiin Cusmaan

Q4aad ee natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee xarumaha Gobolka Banaadir, ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

Q4aad ee natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee xarumaha Gobolka Banaadir, ee sanad dugsiyeedka 2016-2017. ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

logo

Eeg lifaaqa Hoose.

Maxamud MireNAASIR Salaxudiin Raage Ugaas Sh.Xasan Barsane SH.YUSUF KOWNEYN SHANGANI Sh-Madar Siidii siyaad TADAAMUN Taleex