Wararka

Wasiirka waxbarashada XFS,ayaa soo dhaweyay Shirweynaha sagaalaad ee golaha guud dalladda waxbarashada Soomaaliyeed ee (FPENS).

Wasiirka waxabarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa maanta ka qeyb galay munaasabada shirweynihii sagalaad ee golaha guud dalladda waxbarashada Soomaaliyeed ee (FPENS) oo lagu qabtay magaalada muqdisho.

Wasiirka waxbarashada XFS,mudane Cabdulaahi Goodax Bare ayaa bogaadiyay dalladda FPENS.iyo shaqooyinka ay u hayaan bulshadda Soomaaliyeed.

;Maanta waxaan magaalada Muqdisho uga qeyb galay shirweynaha sagaalaad  ee golaha guud dalladda waxbarashada Soomaaliyeed ee (FPENS).

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka markasta waxay bogaadineysa howsha aad u heysan bulshada, waana idinka mahad celineynaa, sida aad iskugu xilqaanteen inaad wax bartan dhalinta Soomaaliyeed.

Markasta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya waa idin garab taagantahay, si loo soo saaro dhalinyaro xirfad leh,sidaasi waxaa yiri wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa ku amanaay dalladdaha dalka ka jira howlaha ay u hayaan bulshadda.

Wasaaradda waxbarashada XFS,ayaa tababar u furtay 270 macallin oo laga kala keenay gobalka banaadir.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa manta magaalada Muqdisho tababar  ugu furtay 270 macallin oo wax ka dhigi doona dugsiyada ku yaalla gobolka Banaadir.

 

Tababarkan loo qabtay 270-kan macalin ayaa socon doona muddo 10 maalmood ah, waxana tababarka macallimiintan soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

Macallimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali oo tababarka furay  ayaa sheegay in macalimiinta lagu tababari doono manhajka cusub ee buugaagta dugsiyada hoose ee dhawaan la daabacay.

 

” Wasaaradda waxbarashada XFS,waxaa ka go’an kor u qaadista aqoonta macallimiinta wax kadhiga dugsiyada dowladda tababarka macalimiinta waxa uu ka sameyneynaa guud ahaan dalka,’ayuu yiri  Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Xasan Maxamed Cali.

 

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka.

Waxqabadka boqolka Maalmood ee Wasiirka Waxabrashada Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudadii boqolka maalmood ee uu joogay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ku guuleystay wax ka qabashada arrrimo badan oo la xiriira waxbarashada dalka.

Hadaba waxyabaha wasaaradda ku guuleystay waxaa ka mid ah

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa 27-kii bishii September ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, islamarkana wixii hada ka dambeeya wasaaradda ay qaadeyso mas’uuliyadooda.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  tilmaamay in marna aan la iloobi doonin doorkii dalladaha waxbarashada ay ka soo qaateen intii lagu guda jiray bur burka horumarinta waxbarashada.

Iskuullada  wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex-aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, Macalin jaamac.

 

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa 5-tii bisha September ku guuleystay inay deeq waxbarasho u dirto 41 ardey oo Soomaaliyeed kuwaasoo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha.

Munaasabad sagootinta ah ayaa loo sameyay 41 ardey oo ka mid ah kuwii ugu darajooyinka sareeyay imtixaankii la qaaday waxay kala yimadeen gobollada dalka iyo kuwa gobolka Banaadir,  waxay tusaale u tahay ahmiyada dowladda ay siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyaradda Soomaaliyeed, dowladda juhdi badan ayay ku bixisay helida deeqdan waxbarasho, si cadaalad ah ayaana  lagu soo xulay.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen deeq waxbarasho oo dibadda ah,iyadoo hadda dalka dibadiisa ay wax ka bartaan ardey Soomaaliyeed kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay dalalka saaxiibka lah Soomaaliya.

6-dii bisha November, Wasaaradda waxbarshadda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho munasaabad sagootin ah ugu sameysay 223 arday oo deeq waxbarsho ka helay  dowlada itoobiya.

Ardaydan ayaa 46 kamid ah waxay diyaarin doonaan Darajada labaad ee Masterka , halka 177- Arday  ay diyaarinayaan heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, iyagoo baran doona kuliyadaha kala ah Caafimaadka, beeraha , IT, Enjineerin, iyo kuwa kale.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa 14-kii bisha November magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan  loogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID,  waxana goob jog ka ahaa wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib ah

Xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.

3-dii bishii November, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho tababar u qabatay  in ka badan 58 kormeer oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada..

Arrimaha kale ee lagu baranayay  tababarka ayaa waxaa ka mid ah hubinta xogta macalimiinta, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Waxana loo jeediyay dardaaran dhab ah oo ku adan sidii ay ugu soo bixlahaayeen howsha loo  xil saaray, iyo in ay la socodaan buugaagta manhajka cusub iyo sida loo qaadanayo, iyo hubinta macalimiinta waxbara ardayda.

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka  Cabdulahi Goodax Barre ayaa 29-kii bisha October  magaalada Muqdisho ka daah furay mashruuca waxbarashada dalka kaasoo ay ku bixi doono  lacag dhan 33. 1 Milyan.

Mashruucan ayaa socon doono muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa sannadkan 2018-ka ilaa 2020-ka, waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership for Education oo loo soo gaabiyo (GPE) waxaana xiriirin doona midowga yurub.

Mashruucan oo ay ku baxeyso lacag dhan 33.1 milyan ayaa loogu talo galay in wax looga  qabto waxbarashada caruurta Soomaaliyeed sadexda sano ee soo socota. $5.6 milyan ka mid ah lacagta waxaa la siiyey Puntland, $9.6 milyan Soomaaliland halka $17.9 milyan kalana la siiyey Soomaaliya inteeda kale si wax looga qabto baahiyaha waxbarasho ee ka jira.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada ayaa fulin doonta  barnaamijkan.

Barnaamijkan ayaa  xooga saari doonaa kor uqaadida tirada iyo tayada ka qaybgalka waxbarahada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada dawladda/bulshada, xoojinta kormeerka, manhajka qaranka iyo xoojinta awooda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawladda gaar ahaan dawlad goboleedyada.

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuurida jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho taya u leh caruurta Soomaaliyeed.

Agosoto, 25, 2018:- xarunta jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa  tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 macalin oo wax ka dhigi doona dugsiyo ku yaala gobolka Banaadir.

Tababarkan loo qabtay 100-kan macalin ayaa socday muddo 12 maalmood ah, waxana mushaarka macalimiintan bixinaya dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona tababarkan ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Macalimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Ugu dambeyntii wasaaradda waxbarashada  ayaa 25-kii bisha November  deeq waxbarasho u dirtay  124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.

wasiirka waxbarashada XFS ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabadullaahi Goodax Bare ayaa maanta ku soo dhaweeyay  Xafiiskiisa Safiirka Cusub ee dawladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Khalafalaah Mustafa Baabikir, waxa ay kawada hadleen xiiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo alabada dal.

Safiirka Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweyay horumarka ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka horumarinta manaahijta iyo Imtixaanaadka iyo guud ahaan waxbarashada dalka.

‘’waxaan soo dhaweynaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka waxbarashada Dowladda Suudaan waxa ay diyaar u tahay markasta in ay caawiso ardayda Soomaaliyeed iyo in aan kordhino Deeqaha waxbaraso oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed,sidaasi waxaa yiri Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya sudaan Khalafalaah Mustafa Baabikir.

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Bare ayaa bogaadiyay Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Suudaan iyo Soomaaliya.

‘’ Waxaan manata xafiiskeeyga ku soo dhaweyay Safiirka Cusub ee Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Khalafalaah Mustafa Baabikir,waxaan kawada hadalnay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ayadoo aan ognahay in ku dhawaad 7000 oo arday Soomaaliyeed ay wax ku bartaan dalka Suudaan iyo sidii Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan Suudaan Waxbarashada ka helay loogu fududeyn lahaa hawlahooda.

Safiirka Dowladda Suudaan waxa uu soo dhaweeyay horumarka ay Wasaaradda Waxbarashada  ay ka sameysay manaahiijta iyo Imtixaanadka iyo guud ahaanba Waxbarashada dalka,

Waxa kale oo aan kawada hadalnay in dib loo soo celiyo xiriirka dhanka Hiddaha iyo dhaqanka si fanaaniinta suudaaniyiinta ah ay u yimaadaan Soomaaliya sidii beri samaadkii oo kale.

Ka Wasaarad ahaan Waxaa naga go,an in ardayda Soomaaliyeed ay gaaraan hamigooda ah in ay Waxbartaan.

Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan.

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.

 

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta waxbarashada dalka, waxana wafdigan hogaamineyay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Afrika Dr. Muuse.

 

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan, wafdigan waxaa hogaaminayay  gudoomiye ku xigeeynka jaamacadda Dr Muuse, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah  xoojinta xiriirka naga dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

 

Xubnahan ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan  ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan, ay ka go’an tahay waxbarashada.

 

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Suudaan ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed.

 

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay  horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiiinta.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo diyaarineysa manhajka Fasalka Sideedaad

Wasiir ku xigeynka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS,Feysal Cumar Guuleed ayaa shegay in ay wasaaraddu soo dhameystireyso manhajka oo hada ku koobaan dugsiyada koobaad ilaa afaraad.

“Manhajka aan ardayda u qeybinay ayaa ahaa fasalka koobaad ilaa afaraad, ilaa fasalkii 12 ayaa hada la wadaa waxaan rajeyneynaa lixda bilood ee ugu horeysa waxan fileynaa in ay soo baxaan ilaa fasalka 8-aad , manhajka wanaagsan  ayuu  u socdaa cid kasta oo aqoon yahan ahna waa uu u furun yahay waa soo dhawyneynaa”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Feysal Cumar Guuleed  ayaa tilmaamay in wasaarada waxbarashada ay  dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahayeen waxbarasho dhameys tiran.

“ Ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an tayeynta tacliinta dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen waxbarasho lacag la’aan ah”ayuu yiri Feysal Cumar.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  ayaa sheegay in cabashadii dhawaan ka timid ardeyda Soomaaliyeed ee loo diray  dalka Itoobiya, la xaliyay islamarkana hadda ay bilaabeen  waxbarashooda.

“ Wasaaradda waxbarashada waxa ay deeq waxbarasho ka heshay dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya oo siisay arday tiradoodu gaareyso 223 arday oo isugu jira bajulaar ah iyo arday mastar ah ardaydii ka faaideysatay baajulaarka iyo kuwii ka faaideystay mastarka labadaba wasaaraddu waxa ay ku dadaashay sidii ardaydaas ay u tagi lahaayen dalka itoobiya dhamaan toodna waa ay tageen waxana loo kala qeybshay jaamacadihii dalka itoobiya waxa ay cabasho ka soo yeertay jaamacaddo ka mida ah jaamacadiihii ardaydu ay ku qornaayeen in waqtigii loogu tala galay ay ka dib dhaceen kadib wada hadal ay wasaaradu la gashay jaamacadihii ardaydu ku qornaayeen iyo dowladda itoobiya waan ku guuleysan in aan xalino ardaydiina waxa ay dib  u bilaabeen waxbarashadooda”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada oo 124 oo deeq waxbarasho ka helay dalka suudaan sagootin u sameyasay

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munsaabad lagu sagootinayay 124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare XFS, Axmed Yuusuf Xasan , lataliyaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

La taliyaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudan kula dardaarmay inay ka faa’ideystan fursada ay heleen.

Xildhibaan Yuusuf Xeeyle oo ka mid ah xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa.

Xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa sheegay inay ka go’antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddo bil gudaheed deeqo waxbarasho ugu dirtay dalalka Itoobiya iyo Suudaan ardey Soomaaliyeed.

Wasaaradda waxbarashada oo sheegtay in la xaliyay cabasho ay qabeen ardeydii loo diray Itoobiya

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in lagu guuleystay in la xaliyo cabasho ay qabteen ardeyda Soomaaliyeed ee dhawaan deeqda waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

“Waa jirta cabashadaasi, balse hadda, wasaaradda waxbarashada, waxay ku guuleystay inay xaliso wax kasta oo jiray haddana ardeyda waajibaadkii loo diray ayay ogadanayaan”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed.

Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in cabashada ay ku dhacday arrimo farsamo islamarkana hadda xal laga gaaray.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa markasta u tagan sidii loo hagaaji lahaa waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed islamarkana wax looga qaban lahaa cabashada ay qaban ardeyda ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar ku guuleystay inay dalalka saxiibka la tahay ka hesho deeqo waxbarasho, iyadoo dalalka Itoobiya, Shiinaha, iyo Suudaan ay xiligan wax ka bartan ardey Soomaaliyeed oo ka faa’ideystay deeqaha waxbarasho.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo qabatay munaasabad loogu dabbal degayo maalinta macalinka Soomaaliyeed

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta lagu qabtay munaasabad loogu dabbal degayo maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, gudoomiyaha arimaha bulshada baarlamaanka xildhibaan cali jowhar gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Ummadda lataliyaha wasaaradda agaasimayaal ,madaxa imtixaanaad dowladda soomaliya macalimiin iyo marti  sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Gudoomiyaha arimaha bulshada baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cali jowhar ayaa hambalyo u diray macalimiinta Somaaliyeed meel kasta oo ay jogaan, waxana u sheegay in duruufo adag ay ku soo shaqeeyaan.

Wasiiro doowlaha wasaarada waxbarashada XFS,Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen macalimiinta Soomaaliyeed intii lagu guda jiray burburka isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed islamarkana hadii uusan jirin macalin, horumar aan la gaari laheyn.

“Maanta waa maalin weyn ,waa maalin Ummadda Soomaaliyeed magac iyo maamuusn u leh waa maalintii macalinka Soomaaliyeed ma jirto maalin ka haboon oo in loo dabbal dego, waxaan hambalyo u diraya, macalimiinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogan”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

“ Hadii uusan macalin jiri laheyn horumarka aan maanta aan gaarnay ma gaari laheyn,waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu mahad celiyo macalimiinta Soomaaliyeed ee xiligii aan burburka ku jirnay dhiigooda iyo waqtigooda u huray in ay waxbaraaan arday Soomaaliyeed oo duruufo gaar ah ku jira waxaan leeyahay aad  ayaad u mad santihiin, kawasaarad ahaan ma iloobi doon in aan idii mahad celino marna kama daali doono in aan sheegno daruuftii adkeyd ee aad ku soo shaqeyseen”ayuu yiri Mudane Jaabir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle  ayaa ballan qaaday in ka wasaarad ahaan ay  soo celin doonaan sharaftii iyo karaamadii macalimiinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada oo la kulmay kormeerayaasha iskuullada dowladda

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay kormeerayaasha guud ee iskuullad dowladda.

Kulankan ayaa salka ku hayay  sidii kormeerayaashii shalay kormeerka ku tagay iskuullada dowladda ay u soo gudbin lahayeen  macluumaad ku saabsan waxyaabihii ay ku soo arkeen.

Kormeerayaasha iskuullada dowladda ayaa agaasimaha u gudbiyay macluumaadka ku saabsan iskuullada ay booqdeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed.

Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in  wasaaradda muhiimad ay siineyso sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa macalimiinta iskuullada islamarkana  tababar loo furi doono.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaala gobolka Banaadir, iyadoo ardeyda dhigta iskuulladan ay si lacag la’aan ah ay wax uga bartan, waxana loo qeybiyay manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay.