Wararka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay Natiijada Imtixaankii Shahaadiga ahaa.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shala galinkii danbe ku dhawaaqaday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedka 2016-2017.

Aggaasimaha Waaxda Shahaadooyinka iyo Imtixaanka  Mukhtaar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay ahmiyada uu ardada Soomaaliyeed u leedahay  imtixaanka shahaadiga ah ee ay dabshidkasta/sanadkasta wasaaradu qaado.

waxauuna ku soo daweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda Prof: Maxamed C/qaadir Nuur, waxa uuna aggaasimuhu halkaas ka jeediyey warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaysa, waxa uuna kawaramay dadaalka loo soogalay in ay hawshaani qabsoonto iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo gudbay, waxaase uu aad ugu mahadceliyey qaybihii kaladuwanaa ee hawshaan ka soo shaqeeyey ee ka midka ahaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, waxa kale oo uu u mahadceshay, ciidamada qaranka oo xagga amaanka kala shaqeeyey, gaar ahaan ciidanka Booliiska iyo Nabadsugida, waxa uunaAgaasimuhu ku soo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka  Wasaarada Waxbarashad.

Mudane Faysal Cumar Guuleed, waxa uuna u mahad ceshay ka sooqaybgalayaasha xaflada lagu maamuusayo shaacinta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Wasaaradu ku dhawaaqday iyo dhamaan dadkii ka soo shaqeeyey in uu qabsoomo imtaxaanku, waxa uuna waalidiinta ku booriyey in ay ilmahooda waxbarashada u diraan loona xaqsooro oo si siman loogu diro wiilasha iyo gabdhaha, waxa uuna ku soo dhaweeyey Wasiiru dawlaha Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/rixmaan C/dile Muxamuud (Jaabir)

vlcsnap-2017-07-21-08h32m42s402

Wasiiru dawlaha ayaa mahadnaq iyo bogaadin kadib sheegay, ahmiyada uu imtixaanku leeyahay , waxa uuna ku nuuxnuuxsaday heerarkii kala duwanaa ee imtixaanku soo maray iyo natiijooyinkii ay ka dhaxleen arday dii imtixaanka gashay  oo tiradoodu dhamayd, 18,239, waxa uuna wasiisu dawluhu si rasmi ah ugu dhawaaqay dadweynaha hortoodana uu ku saxiixay 10 arday ee imtixaanka sanad dugsiyeedka 2016-2017 ugu sanaraysa

IMG_20170721_092211

Kadibna waxa uuna ku soo dhaweeyey raysalwasaare ku xigeenka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed,  waxa uuna aad u dhiiriyey raysalwasaare ku xigeenku muhiimada ay waxbarashadu adana u leedahay, “ummad kasta mustaqbalkeedu waxa uu ka soo ifaa hadba heerka waxbarashadeedu sida aytahay”ayuu yiri

Raysal wasaaraha ayaa u balan qaaday ardaydaas 10 ah ee ugu saraysa in sanadkaan imtixaanka shahaadiga ah, in ay dawladu siindoonto waxbarasho deeq ah oo ay ku qancaan.

Waxaa xusid mudan dadweyne farabadan oo iskugu jiray qaybaha kaladuwan ee shacabka oo halkaasi ka hadlay oo raysal wasaare ku xigeenka ka codsaday in bajadka hadda wasaarada Waxbarashada loo qoondeeyey oo ah 1.5 milyan in loo badiyo oo uusan ku filnayn.

vlcsnap-2017-07-21-08h32m42s402DSC07499DSC07479vlcsnap-2017-07-21-08h31m49s778DSC07514DSC07513DSC07507vlcsnap-2017-07-21-08h34m30s521vlcsnap-2017-07-21-08h33m42s322vlcsnap-2017-07-21-08h35m22s305DSC07490DSC07487

Qaybta 2aad ee Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee gobollada.

logo

Qaybta 2aad Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee xarumaha gobollada dalka ee sanad-dugsiyeedka 2016-2017.

eeg lifaaqa hoose Qaybta labaad ee xarumaha gobolada,

Xalane  Baydhaba – 1 Baardheere BALCAD AFGOOYE Caabudwaaq 1 Caabudwaaq 2 Caabudwaaq 3

Qaybta 1aad, Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee xarumaha Gobolada.

Qaybta 1aad Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee xarumaha gobollada dalka ee sanad-dugsiyeedka 2016-2017.

lifaaqa hoose ka eego natiijada imtixaanka. logo

Kismaayo  SHEEKH MOHAMED MACALLIN  JOWHAR Guri ceel GARBAHAREY Gaalkacayo Dhuuso mareeb CUMAR BINU KHADAB Cadaado 2 Axmed Warsame CADAADO 01  BUUNDAWEYN Buulobarde baydhabo02

Tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah.

waa tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2016/2017.

20140170_1425240887569195_4817982828552044812_n 20155809_1425240947569189_4601458964544864170_n

Kulan soconaayey labo maalmood oo lagu qeexay hiigsiga Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

(Muqdisho) Kulan looga hadlaayo tayeysiinta iyo dardargalinta shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa galinkii danbe ee Arbada (21 Jun- 2017) ku soo gabagaboobay hoolka shirarka ee xarunta Akadeemiyada Dhaqanka iyo Cilmi–baarista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo soconaayey mudo labo maalmood ah, waxaa ka sooqaybgalay, masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda, shaqaalaha wasaarada, iyo aqoonyahano ku xeeldheer dhanka waxbarashada, mudadii kulanku socday, waxaa looga dooday, sidii loo tayeysiinlahaa waxbarashada dalka iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaa kale oo si faahfaahsan looga hadlay hadafka iyo himilooyinka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Mudane C/rixmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriya Fadaraalka Soomaaliya, oo gabagabdii kulankaasi ka hadlay, ayaa halkaasi ka soo jeediyey, hadafka iyo himilooyinka wasaaradda, waxa uuna yiri.

“waxaan labadii maalmood oo la soo dhaafay ku mushquulsanayn in aan dardargalino hawlaha wasaarada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaana kulanku intuu socday meeshaas ka soo baxay, saddex arimood oo waawayn, 1- in aan dib u eegis aan ku samayno meesha aan u socono iyo hiigsigeena. 2- inaan samaysano ahmiyaad/muhiim  waxa u ah ee wasaaradu ku shaqaynayso. 3- iyo bal in aan dib u milicsano qaabkii wasaaradaan ku shaqaynaysay”

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in mudadii shirku socday guulo badan lagaaray, kuwaas oo ay ka midtahay in la dajiyey hadafyo wax ku ool ah, wasiirka ayaa yri, “ waxaa kale oo mihiim ah in isbadal lagu sameeyo qaabka wasaaradu u dhisantahay iyo qaabka ay u shaqayso, waxaana soo baxday markaan fiirinay lafagurkii iyo doodihii ka qaybgalayaasha kadib, in qaabka wasaaradu hadda tahay aysan ku siisoconkarin loona baahanyahay in si xoogleh go’aan looga qaato waxna laga badalo, waxa ayna aniga ila tahay in aan meeshaan ku soo gabagabaynay wasaarad lagu shaqaysto, waana in aan kala dooranaa wasaarad lagu shaqaysto in ay noqoto iyo in ay noqoto mid aanu ummadda ugu shayno, waxa aynu dooranayna in wasaaradu noqoto mid Ummadda aan ugu shaqayno”

Wasiirka oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay mar uu shaqaalaha ka hadlaayey, in aan la aqbalidoonin qof shaqaale ah oo meelo kalena u shaqataga, wasiirka ayaana balan ku qaaday in wasaarada uu ka dhigidoono, wasaarad siwaagsan u shaqaysa oo awood leh, oo ayna joogaan dad xirfadleh oo waxa ay ka shaqaynayaan yaqaana, waxa uuna sheegay in ay tahay masuuliyad saran, xuquuqda shaqaalaha wasaaradda ka shaqaynaya, wasiirka ayaa gabagabadii yir, “waxaan halkaan ka cadaynayaa hiigsigii aanu ka soo dhexsaarnay talooyinkii soo baxay maalmihii kulanku socday, kaas oo ah, nidaam waxbarasho oo horseeda wadajir ummadeed, wadaniyad, caddaalad, nabad, iyo horumar waara. Meesha aan hiigsanayno waa halkaas ee hala ogaado.

Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday farxad iyo raynrayn.

.DSC07222 DSC07225 DSC07346 DSC07384 DSC07396 DSC07296 DSC07258 DSC07287 DSC07327 DSC07324 DSC07225 DSC07406 DSC07352 DSC07349 DSC07357 DSC07397 vlcsnap-2017-06-22-01h06m34s953

Kulan lagu ansixinayo hanaanka waxbarashada Dalka oo shala galinkiidanbe lagu soo gabagabeeyey Magallada Muqdisho.

(Muqdisho) Waxaa shala galinkii danbe lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho kulan dib loogu eegaayo laguna ansixinayo, hanaanka waxbarashada dalka, kulankaan oo soconaayey mudo labo maalmood ah (18-19-Juun 2017) ayaa waxaa soo abaabulay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriya Fadaraalka Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgalay, maamulgoboleeyada, Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Jubaland, aqoonyahano, qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee daneeya waxbarshada, iyo xeeldheerayaal dhanka waxbarashada ah, oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Guud ahaan mudaddii kulankaani soocday ayaa lagu lafoguray loogana dooday hanaanka waxbarashada dalka,waxaana maalintii shala oo kulankaasi soo xirmay halkaasi qodbad dhaxalgal ah ka soo jeediyey Mudane C/rixmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriya Fadaraalka Soomaaliya, waxa uuna ugu horayn bogaadiyey, ka soo qaybgalayaashii kulanka, isagoo sheegay in ay qabteen hawl muhiim ah, shaqo badan oo kalena ay dhimantahay, isagoo halkaasi kahadlaayeyna waxaa ka mid ahaa hadalkiisa.

“ Education Sector Analysis, waa waxa aan rabno in aan ku ogaano dhibaatooyinka haysta hanaanka waxbarasho ee dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa, waxaana muhiim u ah labo qaybood, mid waxaa waaye waaqica iyo nidaamka waxbarshada”

Wasiirka oo si qotodheer uga hadlay siyaabaha iyo qaababka ay tahay in tibaabooyinkaa loo qaado, ayaa dhiiriyey ahmiyada ay leedahay in lagudagalo qaybaha dhiman ee ee ku aadan xalinta dhibaatooyinka haysta hanaanka waxbarashada dalka.

Kulankaas ayaana ku soo dhamaaday jawi aad u quruxbadan.

DSC07145DSC07141 DSC07064 DSC07062 DSC07063 DSC07067 DSC07069 DSC07070 DSC07058 DSC07071 DSC07072 DSC07127 DSC07114 DSC07070 DSC07142

Call for Expression of Interest: Grant Agent for the Education Sector Program Implementation Grant

Call for Expression of Interest: Grant Agent for the Education Sector Program Implementation Grant.

halkaan ka eeg lifaaqa si aad u aqrisato.

logo

Call for Expression of Interest – Grant Agent- FGS-MoECHE

Imtixaankii Dusiga sare oo si rasmi ah uga furmay guud ahaan gobolada dalka.

(Muqdisho) Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashad Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Mudane C/rixmaan Daahir  Cismaan ayaa furitaanka ka hor hadalo kooban ka soo jeediyey halkasi waxa uuna yiri.

“waxaa maanta farxad wayn noo ah in uu nalajoogo mid ka mida goobaha imtixaanku ka dhacayo,raysalwasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo aanu fursadaan uga faa,iidaysanayno in uu noofuro imtixaankii dugsiyada sare ee Soomaaliya, imtixaanka waxaa u fariisanaya 27 kun oo arday laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa iyo Kismaanyo, waxaanalagu qaadayaa,77 xarumood oo ku kalayaala magaallooyinka u dhexaysa Gaalkacyo ilaa Kismaayo”

wasiirka oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in dhalinyaradu ay shacabka ka tahay 70% taas oo ah tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay lama huraan tahay in loo diyaariyo waxbarasho, wasiirka ayaa ku soo dhaweeyey,  raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

Raysal wasaaraha ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ waxaan marka hore ugu hanbalyeynayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada in ay soo qabteen shaqo aad u wanaagsan, maanta waa maalin ahmiyad wayn u leh shacabka Soomaaliyeed in ay imtixaan u fariisanayaan 27 ku oo arday, ayna galayaan imtixaankii Dugsiyada sare, laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa kismaanyo, arinkaanina waa tilmaan muujinaysa in dalku uu leeyahay dad wanaagsan, waxaana aad ugu faraxsanahay in arday Soomaliyeed marka ay heerkaan ka gudbaan ay helidoonaan jaamacaddo iyo waxbarasho kasii saraysa mida ay heerkeeda ka gudbayan maanta, waxa aana aaminsanahay in waxbarashadu tahay tiiska dhibaatooyinka uu dalku uga bixi karo”

Raysalwasaaraha ayaa ku hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in uu si rasmi ah u furay imtixaankii, waxa uuna u dhiibay wargadihii imtixaanka ardaydii ugu horaysay ee fadhiday hoolka ay qodbadu ka socotay.

vlcsnap-2017-05-20-15h41m41s316 vlcsnap-2017-05-20-15h41m46s021 vlcsnap-2017-05-20-15h41m55s189 vlcsnap-2017-05-20-15h42m38s057 vlcsnap-2017-05-20-15h43m11s920 vlcsnap-2017-05-20-15h43m37s353 vlcsnap-2017-05-20-15h43m49s838 vlcsnap-2017-05-20-15h53m02s587 vlcsnap-2017-05-20-15h53m37s665 vlcsnap-2017-05-20-15h54m11s356 vlcsnap-2017-05-20-15h54m51s734 vlcsnap-2017-05-20-16h14m35s042 vlcsnap-2017-05-20-15h54m51s734 vlcsnap-2017-05-20-17h15m47s130 vlcsnap-2017-05-20-17h18m09s765 vlcsnap-2017-05-20-17h16m28s331 vlcsnap-2017-05-20-17h13m31s797

Gobolka Baanaadir iyo xarumaha Imtixaanka lagu qaadayo

(Muqdisho) Gobolka Banaadir waxaa Imtixaanka lagu qaadayaa goobaha hoos magacyadoodu ku lifaaqan yihiin.

Lifaaqa ku dhufo si aad u aragto liiska goobaha.

Gobolka Banaadir Xarumaha Imtixaanka

 

logo