Munaasibad lagu xusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeeda ayaa ka dhacaday magaallada Muqdisho.

(Muqdisho) Munaasabadaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka soo qaybgalay, Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/llaahi Bille Nuur, Xohayaha joogtada ah ee Wasaarad, Axmed Yuusuf Xasan, Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Pro Maxamed C/qaadir Nuur, agaasimaha guud ee Tacliinta Sare, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qaar ka midda hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Muddadii ay munaasibadau socotay, waxaa halkasi qodbado waxku ool ah ka soo jeediyey ka soo qaybgalayaashii munaasibadaasi joogay, aggaasimaha guud ee Wasaaradda, Pro Maxamed C/qaadir Nuur, oo halkaasi qudbad xiiso badan ka jeediyey ayaa yiri “aqoontu waa furaha nolosha, furaha aqoontuna waa macalinka, sidaasi awgeed hadaan aqoon jirin nolol majirteen ” waxaa sidoo kale asna halkaasi ka hadlay Xoghaya guud ee Wasaaradda Axmed Yuusuf Xasan,waxa uuna macalimiinta Soomaaliyeed ee ka tirsan waasaaradda uu ugu bishaareeyey in ay helidoonaan mushaarooyinkii ka maqnaa illaa bishii Juun ee sanadkaan.

Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada C/laahi Bille Nuur oo isna halkaasi kahadlay ayaa sheegay in talooyinkii loo soo jeediyey Wasaaradda uu qaarkamida qortay uuna xooga saarayo sidii ay u hirgali lahaayeen. Waxaa xusid mudan kooxda Iftin ee wasaaradda waxabarashada oo halkaasi ka qaaday heeso muujinaya mihiimada macalinku u leeyahay bushada.

Munaasibadaasi waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

dsc04443 dsc04291 dsc04294 dsc04296 dsc04311 dsc04320 dsc04320 dsc04321 dsc04350 dsc04357 dsc04369 dsc04386 dsc04403 dsc04411 dsc04413 dsc04421 dsc04432 dsc04284

Leave a Reply

*