Rarysal waasaaraha Soomaaliya oo si rasmi ah u furay dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

( Muqdisho) Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa si rasmi ah u furay dhismaha Wasaarada Waxbaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaa furitaankii ka soo qaybgalay, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul-insaanka Soomaaliya, Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiirudawlaha Waxbarashada Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo asaga marti loo ahaa.

Wasiirka  Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxaa, oo ugu horayn  halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay tani muujinayso in amaankii wadanka wax laga qabtay oo horumar laga sammeeyey, maadaama dib loo dayactiray lana dagayo dhismihii hadda ka hor wasaaradda lagu weerahay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Daahir Cismaan oo ku soo dhaweeyey Raysalwasaaraha, ayaa ka hor waxa uu guudmaray waxqabadka madaxda Wasaaradda Waxbarashada, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

“mudane raysalwaare aad ayaan ugu faraxsanahay in aad maanta nagala soo qaybgasho furitaanka xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waa talaabo aad uwayn oo mihiim ah oo aanu hore uqaadnay, waxa ayna ku jirtay balanqaadkayagii markii xilka naloo dhiibay, waxaanu waxwayn ka qabanay Manhajka Soomaaliya oo aanu isleenahay waxa uu keenayaa wadajir bulsho, waxaad ogtihiin in tuhun laga muujiyey sida loo maamulo waxbarashada deegaha Soomaaliya ay hesho, sidaas daraadeed waxaan samaynay si tuhunkaas meesha uga baxo, guddi maamula oo isugu jira xubno ka socda Baarlamaanka, Aqalka sare, iyo xubno ka socda Bulshada rayadkaa, waxaa sidoo kale qayb ka ah wasaarada”

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay intaasi abuurayso kalsooni shacabka Soomaaliyeed ay u qaadaan Wasaaradda Waxbarashada iyo dawladda. Kadibna waxa uu wasiirku ku soo dhaweeyey raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxa uuna hadalka ku bilaabay.

“waxaan marka hore u mahad celinayaa shaqaalaha iyo madaxda wasaarada shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada iyo sida ay isugu tashadeen ee wax uga qabteen dib u hagaajinta dhismaha wasaaradda, waxaana rajaynayaa in wasiirada kale ee xukuumadu ay talaabadaas wanaagsan kaga daydaan Wasaaradda Waxbarasha, waxaan rabaa in aan idiin sheego, sida kaliya ee aduunka aan kula tartami karno waa in caruurta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxlabaro”

Raysalwasaaraha oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in talaabada xagga islaxisaabtanka eek u salaysan habka deeqaha waxbarashada, ay tahay mid aad u wanaagsan oo ku dayasho mudan, waxa uuna ugu hanbalyeeyey madaxda iyo shaqaalaha wasaarada qorshaha fiican ee ay samaysteen kuna guulaysteen.

Waxaana furitaankaasi Dhismaha Wasaarada Waxbarashada ku soo dhamaaday si aad u wanaagsan.vlcsnap-2017-08-16-17h58m05s518 vlcsnap-2017-08-16-17h57m36s778 vlcsnap-2017-08-16-18h01m27s761vlcsnap-2017-08-16-17h58m41s237

Leave a Reply

*