Waaxda Horumarinta Macallimiinta waxay soo qabanqaabisay tobabarku saabsan Macallinka iyo horumarinta nabadda.

Waaxda Horumarinta Macallimiinta waxay soo qabanqaabisay tobabarku saabsan Macallinka iyo horumarinta nabadda.

 

 

Capture1

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa kasooqaybgalay macallimiin ka kalasocday maamul goboleedyada, dalladaha, dugsiyada dawladda ee Banadir  ,kaasi oo ku saabsanaa baridda iyoku baraarujinta macalimiinta nabadda sidoo kale habka firfircoon ee barashada  isbeddelka uga qabqaadanayso. Sidaa darteed waxaa furay  aqoon is weydaarsiga wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Mr Fayal Omer iyo Agaasimaha Waxbarashada Macalimiinta ee SNU, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Faysal wuxuu sheegay in tani ay tahay fursad wanaagsan oo macallimiinta Soomaalida ah ay qayb ka tahay barnaamijkan Dowladda Japan iyo daneeyayaasha kale ee dadaalkooda  ku muujiyay bixinta iyo fulinta tababarka macalimiinta ee dhisidda nabadda.       isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi,waxaan  ku faraxsanaa qofkii helay fursadda ah in uu noqdo macalin isagoo ku dhiirrigelinaaya inay caawiyaan carruurta da ‘yar ee nugul kuwaas oo u baahan waxbarasho. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay la tartameyso dalalka kale ee adduunka, wuxuu ka codsaday ka qaybgalayaashu in ay noqdaan kuwo si joogta ah oo firfircooni ku jirto ugana qaybqaata aqoon-isweydaarsiga 3-da maalmood oo si buuxda uga socon doono akaadamiyada cimlmiga.  ·         Wuxuu tobabarku soo gabogaboobay maanta oo arbaco ah dhamaan ka soo gabgalayaashu aad ayay ugu mahadceliyeen cidii fududaysay barnaamijkan waxayna balan qaadeen inay u gudbindoonaa macallimiinta la rabo in la gaaro oo ah 1,500 macallin. ·         Ugu danbayn waxaa soo gababgabeeyay masuuliyiinta wasaarada waxbarashada waxaana hadalo kala duwan ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mr Xasan Maxamed Cali iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada.

7 8 Capture2 Capture3 Capture4 Capture5 Capture6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About the author

Maamul administrator

Leave a Reply

*