WAAXDA QORSHEYNTA IYO MIISAANIYADA

Waaxda Qorsheynta iyo Miisaaniyadda ee

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare


ARAAR

Waaxda Qorsheynta & Miisaaniyada waxey ka mid tahay waaxaha WW&HTS iyado u xilsaaran hogaaminta qorshaha guud ee Waxbarashada iyo uruurinta, sifeynta iyo faafinta xog tayo leh oo Waxbarashda ee dalka.  Sidoo kale, waaxda ayaa u xilsaaran  qiimeynta, kormeerida iyo dejinta miisaniyada guud ee ay wasaarada ku howl gasho.

HIIGSIGA

Diyaarinta hab qorshe guud iyo miisaaniyad ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

HIMILADA

Waaxdu waa in ay dejisaa qorshaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Uruurrinta, safidda, kormeeridda, faafinta xog tayo leh si loo helo adeeg waxbarasho oo hufan.

HADAFKA (YOOL)

In ay Waaxda diyaariso nidaam hufan, lehna hogaamin qorshe guud oo waxbarasho, iyadoo la abuurayo qaab lagu dhiirir-galiyo, laguna taakuleeyo waxbarashada, taas oo u xilsaaran qiimeynta, kormeerida iyo dajinta miisaaniyad guud ee wasaraddu ku hawlgasho, lana suura-galiyo wada shaqeyn dhammaan Waaxaha Wasaradda.

Habka iyo Nidaamka Waaxda:-

Agaasimaha Waaxda

Agaasima Ku xigeenka

Madax Qebeedyada

Qeybaha Waaxaha :

  • Qeybta Qorsheynta

  • Qeybta EMIS

  • Qeybta Miisaanisya

  • Qeybta Kormeerka iyo Dabagalka

  • Qeybta Dejinta Siyaasadaha Waxbarashda

  • Qeybta Hormarinta Mashaariicda Waaxbarashada.

Qaabdhismeedka Waaxda


qaabdhismeedka12