WAAXDA XIRIIRKA CAALAMIGA & DEEQAHA WAXBARASHADA

WAAXDA XIRIIRKA CAALAMIGA AH IYO DEEQAHA WAXBARASHADA


Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Deeqaha Waxbarashada ayaa waxa ay u xil saaran tahay raadinta, daba-galka iyo fududeynta xiriirro ama heshiisyo waxbarasho iyo dhaqan ee lala yeesho Wasaaradaha Waxbarashada ama Hay’adaha Tacliinta ee dalalka Caalamka. Waxa ay sidoo kale Waaxdu masuul ka tahay raadinta iyo maareynta Deeqaha Waxbarasho iyo diyaarinta ardayda ka faa’iidaysanaysa Deeqaha Waxbarashada.

Waaxdu waxa ay ka kooban tahay

(1) Qaybta Xiriirka Caalamiga

(2) Qaybta Deeqaha Waxbarashada.

  1. Qaybta Xiriirka Caalamiga ah 

Qaybta Xiriirka Caalamiga waajibaadkeeda shaqo waxaa ka mid ah:

  1. Abaabulidda, maamulidda iyo hogaaminta iskaashiyada labada dhinac iyo kuwa caalamiga ee ka dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare iyo Hay’adaha Waxbarashada caalamka.

  2. Fududeynta iyo isku xirka safarrada shaqo ee Madaxda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ku bixinayaan dalalka caalamka.

  3. Soo jeedinta, howlgalinta iyo la socodka wakiillada dhaqanka iyo waxbarashada (Cultural attaches) ee loo magacaabayo safaaradaha Soomaaliya ee dalalka caalamka.

  4. Isku xirka iyo la socodka Guddiyada Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalalka caalamka.

  5. Ka warheynta, taakuleynta iyo xallinta caqabadaha ardeyda Soomaaliyeed ee waxka barata jaamacadaha ku yaalla caalamka.

  6. La socodka iyo dhiira-gelinta Bandhigyada dhaqanka (Cultural Show) oo ay ardayda Soomaaliyeed ka sameeyaan dalalka ay wax ku baranayaan.

  1. Qaybta Deeqaha Waxbarashada

  2. Dejinta iyo fulinta Hab-raac ku saabsan maareynta Deeqaha Waxbarashada Gudaha iyo Dibadda.

  3. Maamulka iyo maareynta Deeqaha Waxbarashada Gudaha iyo Dibadda

  4. Raadinta Deeqo waxbarasho ee dalalka dibadda oo ku salaysan baahida dalka.

  5. Qaybinta deeqaha waxbarashada si ku dhisan caddaalad iyo daah-furraan.

  6. Diyaarinta iyo ambabixinta ardayda ka faa’iidaysanaysa Deeqaha Waxbarashada

  7. La socodka iyo ka warheynta ardayda Deeqaha Waxbarashada ka hela Gudaha iyo Dibadda.


 

HAY’ADAHA WADA-SHAQEYNTA LA LEH WAAXDA

  1. UNESCO

UNESCO

UNESCO: Waa Ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada,  Dhaqanka iyo Culuumta. Soomaaliya waxa ay ku biirtay 15/11/1960. Xaruntiisa Waa Paris, France.

 

  1. ALECSO

ALECSO

ALECSO (Arab League Educational, Cultural and Scientific Organization) waa Ururka Waddamada Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Culuunta. Waa urur ay ku mideysan yihiin Wadamada Carabta oo hoos taga Ururka jaamacadda Carabta. Ururka waxaa la aas-aasay 25/07/1970.  Xaruntiisa waa Tunis ee dalka Tunisia.

 

  1. ISESCO

ISESCO (Islamic Education Scientific and Cultural Organization: Waa Urur u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Culuunta. Waa Urur ay ku mideysan yihiin 52 Dawladaha Islaamka. Waxaa la aas-aasay May, 1979. Xaruntiisa Waa Rabat ee Dalka Morocco.


 

WAKIILADA WAXBARASHADA & DHAQANKA IYO DALALKA AY JOOGAAN

NO

MAGACA

WADDANKA

1

Cabdulqaadir Maxamuud Cali (Guulane)

Sudan

2

Jaamac Caarshe Dhiif Maxamed

Yemen

3

Cabdi Xalane Xersi

South Africa

4

Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan (Sheekh Sharaf)

Turkey

5

Cabdilatif Xuseen Axmed

Saudi Arabia

6

Cali Baashi Maxamed Shuuriye

China

7

Nasra Maxamed Axmed

Qatar

8

Amal Maxamed Siciid

India

9

Axmed Siciid Yuusuf

Uganda

10

Maxamed Maxamuud Maxame

Egypt

11

Mohamed Abdikani Sidow

Kuwait


 

DAWLADAHA DEEQAHA WAXBARASHADA SIIYA DAWLADDA SOOMAALIYA

#

DALKA

TIRADA DEEQAHA WAXBARASHADA LAGA HEL0

NOOCA DEEQDA WAXBARASHADA

 

1

India

16

Dhameystiran

2

China

33

Dhameystiran

3

Russia

20

Aan dhameystirneyn

4

Egypt

110

Aan dhamaystirneyn

5

Sudan

180

Aan dhamaystirneyn

6

Ethiopia

135

Dhameystiran

 

WADAR

494

 

 

DAWLADAHA DEEQAHA WAXBARASHADA KU BIXIYA NIDAAMKA FURAN (ONLINE APPLICATION SYSTEM)

  1. TURKEY

Website: www.turkiyeburslari.gov.tr

Xilliyada Gudbinta Codsiyada Sanad dugsiyeedka 2018/2019

  • Wareegga 2aad: Master’s Degree and PhD = 5th February – 5th March 2018

  • Wareegga 3aad: Jaamacadaha = 16th April – 14th May 2018

  1. UK (Chevening Scholarships for Professionals = Master’s Degree)

Website: http://www.chevening.org/somalia

Codsiyada sanad dugsiyeedka 2019/2020 waxay furmayaan August 2018.


 

Warbixin dheeraad ah la xiriir:

Waaxda Xiriirka Caalamiga & Deeqaha Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare

KM5 Afgoie Rd, Mogadishu, Somalia

Telephone: 252613061965

Email: scholarship@moe.gov.so