Wasaaradda Waxbarashada oo sagootisay dhalinyaro deeq waxbarasho ka heley Itoobiya+sawirro

Wasaaradda Waxbarashada oo sagootisay dhalinyaro deeq waxbarasho ka heley Itoobiya+sawirro

Munaasabada lagu sagootinayay 20 dhalinyaro ah oo ka kala socday ha,adaha dowladda qeybahoda ,deeqaha wax barasho ka helay dalka itoobiya ee aan dariska nahay,waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socatay wasaaradda waxbarshada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya iyo
Danjiraha dowladda Itobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaalo diin Mustafa,iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Lataliyaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada ismaaciil yuusuf Cismaan ayaa dar daaran u jeediyaya ardayda deeqaha waxbarsho kahelay dalka itobiya in ay ku dadaalaan hamigooda ah in ay waxbartaan.

Danjiraha dowladda itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaalo diin Mustafa ayaa kahadlay xariirka ka dhaxeya Soomaaliya iyo itoobiya,
waxaa barnaamijkan barbar socda sanadkasta minxada waxbarasho ee aan siino Soomaaliya,Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya sanadkan 190 ayaa siinay todobaadkan ayuu dhamaandoonaa”. Ayuu yiri Danjire Jamaaludiin Mustafa.

Wasiiru doowlaha wasaaradda waxbarshada Hiddaha iyo tacliinta sare C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ugu mahad celiyay Dowladda itoobiya iyo shacabka itoobiya soo dhaweynta ay markasta la garab taaganyihiin dhalinyarta Soomaaliyeed,

Muhiimadda aan ka leenahay in aan hormarino dhalinyarteena waa midda kaliya ee aan u noolnahay taabo kasta ee aan waan u qaadeynaa dhanka waxbarshada waa ,waajib naga saran in dadkeena ay wax bartaan, marka waxaan rajeynaynaa in ardayda kale ay ka imaan doonaan dowlad goboleedyada.

Wasaaradda waxbarashadda Hidddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa wadda dar dar galinta hormarinta waxbarshadda dalka,

About the author

Maamul administrator

Leave a Reply

*