Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo 56 gabdhood tababar u soo xirtay.

(Muqdisho, 30-Des-2016) Tababar soconaayey mudo shan maalmood oo la siinaayey qaar kamida gabdhaha dhigta dugsiyada sare ee Muqdisho iyo Sh/hoose ayaa khamiistii la soo dhafay ku soo gabababoobay magaalada muqdisho.

Tababarkaan oo ay ka soo qaybgaleen 56 gabdhood, waxaa maalgaliyey hay’ada Mercy Corps, waxaana hirgaliyey Wasaaradda Waxbarasha Hiddaha iyo T/Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aggaasinka u qaabilsan Jinsiga iyo horumarinta gabdha, waxaa tababarka lagu baranaayey, habka aygabdhuhu awood ugu yeelanlahaayeen in ay dareenkooda ugudbiyaan macalimiimta iyo maamulka iskuulada, isla xiriirida dhexdooda ah, istaageerida, iyo qaybaha kale ee wax ku oolka u ah gabdha xilliga ay iskuulada dhiganayaan.

Gabagabadii tababarkaas waxaa ka hadlay masuuliyiin ka kala socota hay’ada Mercy Corps iyo aggaasinka waxaada, Khadija Abdullahi. Agaasima Jinsiga iyo Hormarinta Waxbarshada Gabdhaha, oo halkaasi ka hadashay, ayaa ugu horayn u mahadcelisay Hay’ada Mercy Corps, waxa ayna ku boorisay gabdhuha in ay xooga saaraan waxbarasha ayna muujiyaan isku kalsooni, Khadiija oo hadalka sii wadata ayaa tiri “caqabado badan ayaa soo wajaha gabdhaha muddada ay waxbarashada ku jiraan, sidaas darteed waxaa muhiim ah in ay culaysyadaas soo foodsaaraya ay u dhabar adaygaan si ay waxbarashadooda udhamaystaan, meel wanaagsana uga gaaraan.”

Waxaa tababarkaasi ku soo dhamaaday siwanaagsan.

dsc05187 dsc05199 dsc05203 dsc05205 dsc05221 dsc05123 dsc05214 dsc05082 dsc05080 dsc05077 vlcsnap-2016-12-29-17h11m03s747 dsc05199 dsc05205 dsc05089 dsc05112 dsc05077

dsc05187

dsc05181

dsc05177

dsc05151

vlcsnap-2016-12-29-17h11m07s272

dsc05181

dsc05089

Leave a Reply

*