Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay Natiijada Imtixaankii Shahaadiga ahaa.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shala galinkii danbe ku dhawaaqaday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedka 2016-2017.

Aggaasimaha Waaxda Shahaadooyinka iyo Imtixaanka  Mukhtaar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay ahmiyada uu ardada Soomaaliyeed u leedahay  imtixaanka shahaadiga ah ee ay dabshidkasta/sanadkasta wasaaradu qaado.

waxauuna ku soo daweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda Prof: Maxamed C/qaadir Nuur, waxa uuna aggaasimuhu halkaas ka jeediyey warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaysa, waxa uuna kawaramay dadaalka loo soogalay in ay hawshaani qabsoonto iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo gudbay, waxaase uu aad ugu mahadceliyey qaybihii kaladuwanaa ee hawshaan ka soo shaqeeyey ee ka midka ahaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, waxa kale oo uu u mahadceshay, ciidamada qaranka oo xagga amaanka kala shaqeeyey, gaar ahaan ciidanka Booliiska iyo Nabadsugida, waxa uunaAgaasimuhu ku soo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka  Wasaarada Waxbarashad.

Mudane Faysal Cumar Guuleed, waxa uuna u mahad ceshay ka sooqaybgalayaasha xaflada lagu maamuusayo shaacinta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Wasaaradu ku dhawaaqday iyo dhamaan dadkii ka soo shaqeeyey in uu qabsoomo imtaxaanku, waxa uuna waalidiinta ku booriyey in ay ilmahooda waxbarashada u diraan loona xaqsooro oo si siman loogu diro wiilasha iyo gabdhaha, waxa uuna ku soo dhaweeyey Wasiiru dawlaha Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/rixmaan C/dile Muxamuud (Jaabir)

vlcsnap-2017-07-21-08h32m42s402

Wasiiru dawlaha ayaa mahadnaq iyo bogaadin kadib sheegay, ahmiyada uu imtixaanku leeyahay , waxa uuna ku nuuxnuuxsaday heerarkii kala duwanaa ee imtixaanku soo maray iyo natiijooyinkii ay ka dhaxleen arday dii imtixaanka gashay  oo tiradoodu dhamayd, 18,239, waxa uuna wasiisu dawluhu si rasmi ah ugu dhawaaqay dadweynaha hortoodana uu ku saxiixay 10 arday ee imtixaanka sanad dugsiyeedka 2016-2017 ugu sanaraysa

IMG_20170721_092211

Kadibna waxa uuna ku soo dhaweeyey raysalwasaare ku xigeenka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed,  waxa uuna aad u dhiiriyey raysalwasaare ku xigeenku muhiimada ay waxbarashadu adana u leedahay, “ummad kasta mustaqbalkeedu waxa uu ka soo ifaa hadba heerka waxbarashadeedu sida aytahay”ayuu yiri

Raysal wasaaraha ayaa u balan qaaday ardaydaas 10 ah ee ugu saraysa in sanadkaan imtixaanka shahaadiga ah, in ay dawladu siindoonto waxbarasho deeq ah oo ay ku qancaan.

Waxaa xusid mudan dadweyne farabadan oo iskugu jiray qaybaha kaladuwan ee shacabka oo halkaasi ka hadlay oo raysal wasaare ku xigeenka ka codsaday in bajadka hadda wasaarada Waxbarashada loo qoondeeyey oo ah 1.5 milyan in loo badiyo oo uusan ku filnayn.

vlcsnap-2017-07-21-08h32m42s402DSC07499DSC07479vlcsnap-2017-07-21-08h31m49s778DSC07514DSC07513DSC07507vlcsnap-2017-07-21-08h34m30s521vlcsnap-2017-07-21-08h33m42s322vlcsnap-2017-07-21-08h35m22s305DSC07490DSC07487

Leave a Reply

*