Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya oo heshiis Isfahan ah la saxiixatay.

 

Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudo labo maalmood ah ka soconayey Magaallada  Muqdisho.

Kulankaa oo maanata soo gabagaboobay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Bille Nuu, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xaamud Cali Xasan, Xog-hayaha Wasaaradda Axmed Yuusuf Xassan iyo qaar kamida masuuliyiinta ugu sareeye Wasaaradaha Waxbarashadda  Dawlad Goboleeyda  Soomaaliya, waxaana lagu kala saxiixday qoraal loogu magacdaray Isfaham Wadashaqayneed, masuuliyiintiilabada dhinac ee halkaasi joogay ayaa sharaxay muhiimada ay ay shacabka Soomaaliyeed u leedaha in ay wada shaqeeyaan Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maamul gobeedyada.

Xog-hayaha Wasaaradda oo si qotodheer uga hadlay faa’iidadda uu heshiiskaani u leeyahay ubadka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay heshiiskaan mid keeni kara in ilma kasta oo Soomaaliyeed waxbarasho tayo sare leh hello, waxa uuna sheegay in kulamadaanu dhicidoonaan mararbadan lagu horumarindoono wadashaqaynta dhexmaraysa Wasaaradaha Waxbarashada.

Masuuliyiintii kakala socday Wasaaradaha Waxbarashada ee maamulada Koonfu Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa dhankooda soo dhaweeyey, waxa ayna ku tilmaameen tilaabo muhiim ah oo hore loo qaaday.

Waxaana kulanku ku soo dhamaaday farxad iyo raynrayn.

vlcsnap-2016-09-19-17h56m28s773 vlcsnap-2016-09-19-17h59m02s008 vlcsnap-2016-09-19-17h57m59s801 vlcsnap-2016-09-19-17h59m02s008 vlcsnap-2016-09-19-17h59m25s532 vlcsnap-2016-09-19-18h00m11s839 vlcsnap-2016-09-19-18h01m24s742 vlcsnap-2016-09-19-18h02m03s140 vlcsnap-2016-09-19-18h04m16s124 vlcsnap-2016-09-19-18h07m08s175 vlcsnap-2016-09-19-18h08m16s823 vlcsnap-2016-09-19-17h57m59s801

Leave a Reply

*