Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo kormeeray dhismaha cusub ee wasaaradda

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo kormeeray dhismaha cusub ee wasaaradda

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta wasaaradda waxbarashada oo xiligan uu ka socdo dib u dhis.

Kormeerka wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa waxaa ku wehelinayay ,taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya S/Guud  Mudane, Bashiir Maxamed Jamaac, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed  iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Mudane, Xassan Maxamed Cali.

Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in injineerada dhisaya xarunta wasaaradda waxbarashada ay ka mid yihiin injineero ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliya.

“Injineerada dhisaya xarunta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah injineero ka tirsan ciidamada Asluubta taasina waa guul ay gareen ciidamada Asluubta”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in arintan ay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed islamarkana dhaqaalaha ku baxaya dib ugu soo noqonayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Arinta waa mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed maxaayeelay dhaqaalaha  ku baxaya wuxuu dib ugu soo noqonaya dowladda iyo shacabka,waxaan rajeyneynaa in dhawaan la soo gaba gabeyn doono dhismaha”ayuu intaasi raaciyay wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Xarunta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa waxaa xiligan ka socda dib u dhis lagu sameynayo iyadoo dhawaan lagu wado in la soo gaba gabeeyo.

About the author

Maamul administrator

Leave a Reply

*