Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda oo Booqday Xarunta Farsamada Gacanta lagu barto ee magaaladda Cape town

Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda oo Booqday Xarunta Farsamada Gacanta lagu barto ee magaaladda Cape town

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo wehliyo Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed  ayaa maanta booqday College of Cape Town oo ah Xarun lagu barto Xirfadaha Farsamada Gacanta.

Wasiirka ayaa Xaruntaasi kulan kula qatay  Madaxda College-ka, waxa ayna kawa hadleen  Habka ay u shaqeeyo College of Cape Town iyo Qalabka ay wax ku baraan Dhalinyadda barta Xirfada gacanta.

Maanta waxaan kormeer ku tagay College of Cape Town oo ah mid lagu barto xirafadda farsamada gacanta , waxaan kula kulmay madaxda College-kan wuxuu faah faahin iga siiyay habka ay u shaqeeyaan iyo qalabka ay wax ku baran dhalinyarada barta xirfaddan.
Waxaan ka codsanay inay gacan naga siiyaan sidii dalkeenna looga hirgelin lahaa xarumo casri ah oo lagu barto farsamada gacanta si dhalinyarada Soomaaliyeed uga faa’ideystan.
Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare waxaa ka go’an hirgelinta dugsiga farsamada gacanta taasoo sahleysa in shaqo abuur ay helan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Maamulka Xaruntaasi in Gacan ay ka siiyo Siddii Soomaaliya looga hirgelin lagaa Xarumo Casri ah oo lagu barto Farsamada gacanta, si dhalinyaradda Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadda ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo Dugsiga farsamada gacanta,si loo soo saaro dad xirfadlayaal.

About the author

Maamul administrator

Leave a Reply

*