Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada XFS.yaa kormeer ku sameyay xarunta diyaarinta xogaha ardayda imtixaanaadka qaranka ee 2018 2019

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada XFS.yaa kormeer ku sameyay xarunta diyaarinta xogaha ardayda imtixaanaadka qaranka ee 2018 2019

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi raxmaan maxamuud cabdulle Jaabir ayaa maanata kormeer ku sameyay xarunta diyaarinta xogaha ardayda imtixaanaadka qaranka ee 2018 2019 kuwaasoo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Wasiiru dowlaha ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed xasan yuusuf iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada.
Wasiiru doowlaha wasaarada waxbarashada XFS, Soomaaliya Cabdi raxmaan maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa sheegay in markasta uu waa jib uu ka saranyahay hurumarinta waxbarashada dalka.
,,Maanta waxaan kormeer ku samaayay xarunta diyaarinta ardayda imtixaanaadka qaranka ee 2019 2018 kuwaasoo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Hadafka kormeerkan waxaa ugu muhiimsan hubinta nidaamka cusub oo loo qaadi doono imtixaanka sannadka kaasoo ka turjuma waqtiga hada la jooga ee casriga waqtigii hore waxaan isticmali jirnay in imtixaanadka loo qaado qaab aan aheyn midka aan hadda soo kordhinay sanadkaan waxaan u diyaara garoobeynaa in aan diiwaan galino 37000 ( Sodon iyo Todobo kun oo ardey) oo jooga qeybaha uu dalku ka kooban yahay waxaa noo qorsheysan imtixaanka uu dhaco isbuuca koowaad ee bisha shanaad ee sannadkan.
Waxaan rajeyneynaa in sannadkan uu ka duwanaan doono sanadkii hore waayo tirade ardayda aad bey u badan tahay sababta keen tana waa nidaamka iyo qorshaha aan u dajinay oo bulshada Soomaaliyeed kalsooni badan ay ku qabaan.
Kormeerkan waxaa igu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf waxaan sigaar ah ugu mahad celinayaa dhamaan shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo markasta u tagan u adeegida shacabka Soomaaliyeed.

About the author

Maamul administrator

Leave a Reply

*