Waxqabadka boqolka Maalmood ee Wasiirka Waxabrashada Soomaaliya

Waxqabadka boqolka Maalmood ee Wasiirka Waxabrashada Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudadii boqolka maalmood ee uu joogay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ku guuleystay wax ka qabashada arrrimo badan oo la xiriira waxbarashada dalka.

Hadaba waxyabaha wasaaradda ku guuleystay waxaa ka mid ah

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa 27-kii bishii September ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, islamarkana wixii hada ka dambeeya wasaaradda ay qaadeyso mas’uuliyadooda.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  tilmaamay in marna aan la iloobi doonin doorkii dalladaha waxbarashada ay ka soo qaateen intii lagu guda jiray bur burka horumarinta waxbarashada.

Iskuullada  wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex-aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, Macalin jaamac.

 

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa 5-tii bisha September ku guuleystay inay deeq waxbarasho u dirto 41 ardey oo Soomaaliyeed kuwaasoo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha.

Munaasabad sagootinta ah ayaa loo sameyay 41 ardey oo ka mid ah kuwii ugu darajooyinka sareeyay imtixaankii la qaaday waxay kala yimadeen gobollada dalka iyo kuwa gobolka Banaadir,  waxay tusaale u tahay ahmiyada dowladda ay siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyaradda Soomaaliyeed, dowladda juhdi badan ayay ku bixisay helida deeqdan waxbarasho, si cadaalad ah ayaana  lagu soo xulay.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen deeq waxbarasho oo dibadda ah,iyadoo hadda dalka dibadiisa ay wax ka bartaan ardey Soomaaliyeed kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay dalalka saaxiibka lah Soomaaliya.

6-dii bisha November, Wasaaradda waxbarshadda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho munasaabad sagootin ah ugu sameysay 223 arday oo deeq waxbarsho ka helay  dowlada itoobiya.

Ardaydan ayaa 46 kamid ah waxay diyaarin doonaan Darajada labaad ee Masterka , halka 177- Arday  ay diyaarinayaan heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, iyagoo baran doona kuliyadaha kala ah Caafimaadka, beeraha , IT, Enjineerin, iyo kuwa kale.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa 14-kii bisha November magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan  loogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID,  waxana goob jog ka ahaa wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib ah

Xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.

3-dii bishii November, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho tababar u qabatay  in ka badan 58 kormeer oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada..

Arrimaha kale ee lagu baranayay  tababarka ayaa waxaa ka mid ah hubinta xogta macalimiinta, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Waxana loo jeediyay dardaaran dhab ah oo ku adan sidii ay ugu soo bixlahaayeen howsha loo  xil saaray, iyo in ay la socodaan buugaagta manhajka cusub iyo sida loo qaadanayo, iyo hubinta macalimiinta waxbara ardayda.

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka  Cabdulahi Goodax Barre ayaa 29-kii bisha October  magaalada Muqdisho ka daah furay mashruuca waxbarashada dalka kaasoo ay ku bixi doono  lacag dhan 33. 1 Milyan.

Mashruucan ayaa socon doono muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa sannadkan 2018-ka ilaa 2020-ka, waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership for Education oo loo soo gaabiyo (GPE) waxaana xiriirin doona midowga yurub.

Mashruucan oo ay ku baxeyso lacag dhan 33.1 milyan ayaa loogu talo galay in wax looga  qabto waxbarashada caruurta Soomaaliyeed sadexda sano ee soo socota. $5.6 milyan ka mid ah lacagta waxaa la siiyey Puntland, $9.6 milyan Soomaaliland halka $17.9 milyan kalana la siiyey Soomaaliya inteeda kale si wax looga qabto baahiyaha waxbarasho ee ka jira.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada ayaa fulin doonta  barnaamijkan.

Barnaamijkan ayaa  xooga saari doonaa kor uqaadida tirada iyo tayada ka qaybgalka waxbarahada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada dawladda/bulshada, xoojinta kormeerka, manhajka qaranka iyo xoojinta awooda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawladda gaar ahaan dawlad goboleedyada.

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuurida jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho taya u leh caruurta Soomaaliyeed.

Agosoto, 25, 2018:- xarunta jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa  tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 macalin oo wax ka dhigi doona dugsiyo ku yaala gobolka Banaadir.

Tababarkan loo qabtay 100-kan macalin ayaa socday muddo 12 maalmood ah, waxana mushaarka macalimiintan bixinaya dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona tababarkan ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Macalimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Ugu dambeyntii wasaaradda waxbarashada  ayaa 25-kii bisha November  deeq waxbarasho u dirtay  124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.

About the author

Maamul administrator

Leave a Reply

*